Ilaahbaa mahadleh allahaasoo abuurey koonka oo idil, jireyna iyadoon waxba jirin.Jirina doona waligii.Nabad iyo naxariis nabi maxamed korkiisa allaha ka yeelo .sidoo kale asxaabtii.,salafkii iyo inta raacdey waddadiisa toosan ilaa qiyaamaha aamiin!!
Wahaabiyada waxa eey si toos ah uga hor yimaadeen dhamman ijmaaca islaamka oo ey khilaafeen ..haddana nasiib darro waxaa eey sheegtaan salafiya ..salafkuna waxba uma oga ..waxaa intaasi kasii daran waxaa eey ku been abuurtaan ijmaaca islaamka oo dhan ...silsilad taxane ah baana kasoo qori doonaa mowduuca ku saabsan arimahan si joogto ah haddii Ilaah idmo.

wahaabiyada iyo ta'wiilka.
Wahaabiyada waa eey diideen in aayadaha qur,aanka la ta'wiiliyo oo loo xanbaariyo micna aan aheyn kan daahirka ah oo muuqda sidoo kale sifooyinka ilaahey iyo tilmaamihiisa toona oo waxaa eey yiraahdeen qofkii ta'wiil sameeyaa waxaa eey la mid tahay isagoo diinta dumiyey..bal arinka waaba eey sii fogeeyeen oo waxaa eeyba yiraahdeen maahan wax islaamka salafkii iyo ijmaaca islaamka qaba toona iyagoo waliba ku been abuuranaya ijmaaca islaamka sida caadadooduba eey tahay markasta oo eey difaacayaan caqiidadooda lunsan ee mushabaha iyo mujjasimka .
EEG sharaxa caqiidada al-dhaxaawi ee uu sharaxey al-baani, baalka 18 aad...sidoo kale kitaabka loo yaqaan al-tanbiihat وكتاب التنبيهات صحيفة 34-71 لابن باز. ee ibn-baz; pp-34-71.
ibn-baaz waxaaba uu leeyahay -isagoo iftoodey fatwada lambarkeedu yahay (19606) ku taariikheysan 24-04-1418 dii hijriyada-sidan :-Nusuusta qur'aanka kusoo aroortey iyo sunnahaba ee ka hadleysa sifooyinka Ilaahey (tilmaamihiisa) kor ahaye oo weynaaye in la ta'wiiliyo iyadoo loo yeelaayo macne aan macnahooda daahirka aheyn (wa sida uu moodey ibn baaze) waa mid gabi ahaanba khilaafeysa buu ku leeyahay -ijmaaca islaamka lagasoo bilaabo saxaabadii iyo taabiciyiintii iyo intii waddadoodii raacdey illaa iyo maantadan lajoogo.
يقول ابن باز في فتوى رقم ( 19606) تاريخ 24 شهر 4 -1418 هجري: إنّ تأويل النصوص الواردة في القران والسنة في صفات الله جلّ وعلا (يقول ابن باز على زعمه) هو خلاف ما أجمع عليه المسلمون من لدن الصحابة والتابعين ومن سار على نهجهم إلى يومنا هذا.
Waayaabka yaabkiisa ..waxaa halkaasna ah ku been abuurasho cad oo eey ku caanbaxeen culimada wahaabiyada beenta ka sheega had iyo gooraale ijmaaca islaamka ..waxaana aan idiin soo qaadi doonaa tusaale taa ka hor imaneysa..isla markaana muujineysa beenta ilma cabdi wahaab iyo caqiidadooda qaldan ee aan raadka heysan .
والنووي ينقل في شرحه على مسلم المجلد ال5 صحيفة 24 طبع دار الفكر بيروت قول القاضي عياض : لا خلاف بين المسلمين قاطبةً فقيههم ومحدثهم ومتكلمهم ونظارهم ومقلدهم أن الظواهر الواردة بذكر الله تعالى في السماء كقوله تعالى : "أأمنتم من في السماء " ونحوه ليست على ظاهرها بل متأولة عند جميعهم. انتهى بحروفه.
imaam al-nawawi isagoo sharaxaya saxiixa muslimka, majalada 5 aad, baalka 24 aad ee lagu daabacay daarul fikr ee beyrut, isagoo soo guurin haya hadalka qaadii cayaadh, saatan buu yiri al-nawawi
muslimiinta oo dhan meel eey joogaanba iskuma khilaafsana gabi ahaantooda haddey fiqhiyahanno lee yihiin iyo hadey culimada xadiithka yihiin iyo hadey culimo naxwaha ah leeyihiin ee luqadda iyo hadey indheer garad leeyihiin iyo hadey kuwo wax looga deydo leeyihiin intaba iskuma khilafsana in la ta'wiilin karo daahirka aayadaha ilaahey xusahaya ee kuxusan qur'anka daahirkiisa sida qowlka eebe weynaaye
"أأمنتم من في السماء " sideeda kore loo qaadan maayo oo waa la ta'wiilin hayaa oo micno taa ka tuwan baa loo macneyn ..taasaana ah tan ijmaaca ...dhamaad hadalkii imaam al-nawawi
Hadaba axbaabta rasuulka ilaahayoow keebaa qowlkiisa la qaadan ma imaam al-nawai caalimkii riyaadul saalixiinka sharaxey, ee sharaxey saxiixul muslimka, ee kutubtiisa mashriq iyo maqrib taalo oo ahaa xaafidka diinta dunida islaamka looga danbeeyo ..isagoo waliba qaba tan eey qabaan ijmaaca islaamka baanu qaadanaa .. mise wahaabiga indhaha la'a iyo qalbiga ee diinta ilaah ka been shegahaya iyo waliba ku been abuuran haya ijmaaca islaamka o dhan..baa la qadan?!!
Jawaabtu waa iska caddahay waxaa ah in laqaato ijmaaca islaamka oo ah tan uu qabo al-xafid imaam al-nawawi.
Annagoo taasi sii xoojineyna hadana aan soo qaadano tusaalooyin ka mid ah in islaamka asxaabtii iyo salafkiiba eey iyagu ta'wiiliyeen qur'aanka iyo sunnada intaba ..arinka ta'wiilkuna uu ahaa arin waligiiba soo jiray diintana qeyb- ka ah .
Hor iyo horaan waxa xusid mudan ineynu sharaxno {ta'wiil}waxa loola jeedo ..ta'wiil waa erey carabi ah macnihiisuna ama sida loola jeedo waa ka weecin laga weecinayo macno aan aheyn macnaha markaasi eey wadato kalmadu ama weedhu sida markaa muuqaalka ka muuqdo..iyadoo lacadeeynaayo macnaha dahsoon laakiin aan aheyn macnaha markaas ay u muqato..micno kale waa wax dahsoon oo lamuujinaayo ama sarbeeb banaanka lasoo dhigayo.
tusaale ahaan ilaah baa qur'aankiisa ku yiri sidatan:-
{نسوا الله فنسيهم} وقوله تعالى: {فاليوم ننساهم كما نسوا لقاء يومهم هذا}.
Aayada koowaad macnaha daahirka ah ee muuqda waa { ilaah bey hilmaameyn isna waa uu hilmaamey} iyo qowlka eebe weynaayaye{ maanta ayeynu hilmaami sideyba iyagu u hilmaameen kullankan maantadan ah} waa Qiyaamahee.
Sidaasi daraadeed qof muslim sheeganayo ma oran karo ilaah waa hilaame taa in an niraahno ilaah baan ka nabad galney..amase sidoo kale ma oran karno hilmaamku waa sifo ama tilmaan ilaahey sheegtey ama lama oran karo xittaa hilmaamku waa sifo ilaahey iska leeyahay waa suu sheegtey oo ku haboon -taasi in aan niraahno ama wax lamid ah waa wax ilaah laga nabad galo waana gaalnimo iyo diin kabax qofkii saa yiraahdaa ama xattaa ictiqaadaa..waayo ilaah waa wax ma halmaame oo ilaah baa quraankiisa ku yiri:- {وما كان ربك نسيا}
hadaba haddaan la oran karin ilaah waa mid wax hilaama oo waa hilmaame maxaa eey noqon fasiraadda ayadaha aan soo sheegney ..si fudud aayadahaas aan soo sheegney waxaa eey xanbaarsan yihiin macno ka duwan sida muuqatta kor ahaan oo muxuu yahay macnahaas ?! waa mid ka duwan sida loo qadan karo oo waa la ta'wiilin ..haa waa lata'wiilin oo markaas maahan -sheekada wahaabiyada mid soconeysa- laakiin sida uu inoo sheegey imaam nawawi oo waxaa laraacahayaa ijmaaca islaamka iyo salafka iyo saxaabada oo ah sida uu qabo imaam al-nawawi.
bal ila eega...hoos
وفي تفسير الإمام ابن جرير الطبري السلفي ج 3ص 619 {فاليوم ننساهم} أي نتركهم في العذاب.
Tafsiirka imaam ibn-jariir ee salafiga ahaa juzkiisa 3aad baalka 619 aad aayada {maanteynu annaguna halmaami iyaga} waxaa uu ku macneeyey maanteynu annaguna kaga tagi iyagu cadaabka..dhexdiisa.
oo bal eeg aayaddii waa uu ta'wiiliyey caalimkaas salafiga ah ee al-dhabari loo yaqaan ama ibnul jariir hadba sida dadka u yaqaaniin.
ومثل ذلك في ((سنن الترمذي)) ج 7ص 138 قال أبو عيسى الترمذي: وقد فسّر بعض أهل العلم هذه الآية {فاليوم ننساهم} قالوا: إنما معناه: اليوم نتركهم في العذاب.
sidoo kale sunanka al-tarmiidii juzka 7aad baalka 138 waxaa uu yiri abu ciisa al-tarmiidii sidatan:-waxaa ey ku fasireen dadka ahlu cilmiga ah aayadaan{maanta ayaanu idin hilmaami idinkuna} waxaa loola jeedaa maantaan idinku hilmaami oo idinkaga tageynaa cadaabka.
halkaana isna imaam al-tarmiidii ta'wiil buu sameeyey isagoo qirey in ahlu cilmiga islaamka iney saa u ta'wiiliyeen...waana salafkiiye kuwaa lasoco waayo tarmiidi isba salaf buu ahaa.
1--Tusaale kale C/lahi ibn cabbas oo uu nabigu aqoonta iyo xikmadda iyo ta'wiilka ugu duceeyey oo eey muslimiintu u yaqaaniin qalinkii umadda islaamka..isagoo ta'wiilka ina baraya, wahaabiyadana khilaafsan, aayaddaan sidaan buu ka yiri isna:-
قول الله تعالى: {يوم يكشف عن ساق} بيكشف عن شدة، نقل ذلك ابن جرير الطبري في تفسيره ج 7ص 384
Eebe weynaaye wuxuu yiri{maalinta eynu daboolka ka qaadi saaqa(kubka)}
waxaa loola jeedaa buu yiri dhibka daboolka laga qaadi oo uu ula jeedo howlka maalinta qiyaamaha sidaasna waxaa soo guurshey ibn-jariir al-dhabari eeg tafsiirkiisa juzka 7aad baalka 384 ad. c/lahi ibn cabbaas waa saxaabi, al-dabarina waa salaf kulligoodna waa wada salaf..saaseyna qabaan ijmaaca islaamka aan ka aheyn wahaabiyada lunsan oo an la heysan salafka eey afka ka sheegtaan kuna been buurta salafka.
in salafku sidaa an soo sheegney qabaan waxaa hadana inoo caddeynahaya imaam ibn xajar alcasqalaani kitaabkiisa al-fatx al-baarii juska 13 aad p-428 aad.
((الفتح)) ج 13 ص 428 ،sidoo kale imaam ibn al-jowzii kitaabkiisa -dafci shibah al-tashbiih baalka 18 aad. ((دفع شبه التشبيه)) ص 18
labaduba waxaa eey oranayaan sidan:-ibn cabbas iyo mujaahid iyo ibraahim al-nuqaci iyo qattadah iyo ijmaaca jamhuurkuba waxey qabaan in saaqa kashfiga laga qaadahayo loola jeedo dhibka iyo howlka qiyamaha ee aanu arinku aheyn in ilaahey uu baneeynahayo saaqiisa ama cajarkiisa...dhammaana a,immadaas waxaa eey wada ahaayeen wada salafkii saaseyna wada qabeen salafkii oo eey aayaddaas sare u ta'wiiliyeen macnaheeda waana taa caqiidada salafkii suubanaa oo eey qaateen khalafkii suubanaa..laakiin wahaabiyada iyagaa ah diin kabax aan la heysan salafka iyo ijmaaca toona, waana diin kabax ah khawaarij..wahaabiyada.
2----aad---tusaale kale.
وثبت في صحيح مسلم أن الله تعالى يقول:{ياابن آدم مرضت فلم تعدني قال: يارب كيف أعودك وأنت رب العالمين، قال: أما علمت أن عبدي فلانا مرض فلم تعده، أما علمت أنك لو عدتَّه لوجدتني عنده}.
Waxaa sugnaatey in saxiixul muslimka, eebbe ku yiri weynaaye{ ibn aadamoow waan bukoodey imana aadan soo booqan; ee uu yiri markaa bini aadamkii isna
:-sideen kuusoo booqdaa adaaba ahe rabbiga caalimiintee; ee uuna eebe hadana yiri miyaadan ogeyn in adoonkeyga hebel ah uu bukoodey oo aadan booqan war miyaanad ogeyn haddaad soo booqan laheyd isaga markaas aad agtiisa iga heli laheyd}.
eeg eebbe waxaa uu yiri {waan bukoodey imana aadan soo booqan} miyaa la oran karaa bukaanku waa sifo uu ilaahey isagu sheegtey oo waa loo deynaayaa oo waa sifo bukaanku ilaah ku haboon?!! saa mala oran karaa?!! maya ..maya ..saasi waa diin kabax ilaahey laguma tilmaami karo bukaan ama jiroole waa la ta'wiilin hayaa waana sida ey wada qabaan salafkii suubanaa micnuhuna waa in ilaah uu inna bara hayo in lasoo booqdo bukaanka haddaad soo booqatana aad ilaah agtiisa kheyr ka heleyso .
3 aad--Tusaale kale oo ta'wiilka kusaabsan hadana markaana waa ibncabaas.
ibn cabbaas oo ah qalinka umadda waxaa uu ta'wiiliyey qowlka eebe weynaaye
{والسماء بنيناها بأيد} {samada waxeynu ku dhisney gacmaha} gacmaha halkaan waxaa uu ku fasiray ibn cabaas oo ah qalinkii umadda islaamka quwadda eebbe.
saana waxaa laqaba jamaaca badan oo salafkii ah sida mujaahid ..qattaadah ..mansuur iyo sufyaan al-thowry
hadalkaasna ka eeg tafsiirka ibn-jariir al-dhabari ee salafiga isna ahaa jukiisa 7ad baalka 92 aad.
4-aad--Tusaale kale hoos ila eeg hadana mar kale kanna waa imaam axmed ibn xanbal oo eey si been ah ugu nisba sheegtaan wahaabiyada culimada iyo islaamka ku been abuurta had iyo gooraale
وهذا الإمام أحمد بن حنبل يؤول قول الله تعالى: {وجاء ربك } قال الحافظ ابن كثير في كتابه ((البداية والنهاية)) ج 10 ص 327 : روى البيهقي عن الحاكم عن أبي عمرو السماك عن حنبل أن أحمد ابن حنبل تأول قول الله تعالى {وجاء ربك} بجاء ثوابه. ثم قال البيهقي وهذا إسناد لا غبار عليه.
imaam axmed ibn xanbal waa salafi waxaana uu ta'wiiliyey qowlka eebbe weynaaye {waxaa yimi rabbigaa}isagoo imaatinka ku fasiray thawaabka eebbe ee arinku maahan in ilaah iyo malaa'iktiisa iyagoo saf saf ah eey imaanayaan saana waxaa inoo xaqiijinaaya ibn kathiir kitaabkiisa{ bidaayah wanihaaya} juskiisa 10 aad baalka 327 aad; ibn beyhaqiina waxaa uu ku sheegey mid aan sanadkaan habaas ku jirin sidoo kale al-xaakim al-neysaabuuri iyo ibn Cammar al-sammaak intuba waa eey inoo sugeen..
Waa kuwaa salafkii suubaanaa waddadoodii oo eey qaateen khalafkii suubanaa laakiin ilaaheey uu ka marin habaabshey wahabiyada lunsan ee aan salaf iyo khalaf toona la heysan laakiin uun culimada ku been abuurta.
5aad
Tusaale kale marakan-na waa inmaam al-bukhaari waana saaxibka saxiixul bukhaariga loo nisbeeyo waana nin salafkii kamidaha oo isna ta'wiiliyey xadiithkii qosolka ee kitaabka al-sunna kusoo aroorey...qosolkaas waxaa uu ku fasiray imaam al-bukhaari naxariista eebbe..ee arinku maahanin Ilaahey afkiisu qosley oo ilaahey waa ka nazahanyahay in af loo yeelo iyo qosol toona.
saana waxaa inoo sheegey ibn al-beyhaqi kitaabkiisa ka eeg {al-asmaa wa sifat} baalka-433 aad
نقل الحافظ البيهقي في ((الأسماء والصفات)) ص 433 عن البخاري أنه قال: معنى الضحك الرحمة
markalena imaam bukhaari waxaa uu ta'wiiliyey قوله تعالى : (كلّ شئ هالك الا وجهه} {sheykastaaba waa uu baa bi'i wajiga Ilaah uun mooye} halkaan wajiga waxaa loola jeedaa buu yiri imaamku waa boqortoyadiisa ama mulkigiisa ka eeg saxiixul bukhaariga shiikhaصحيح البخاري – كتاب التفسير-سورة القصص. kitaabka tafsiirka-ee ka hadleysa suuratul qisas
laakiin ibn baz waxaa uu ku sheegay gaal ama qof aan muslim aheyn qofkii saa qaba ama ta'wiiliya oo ku ta'wiiliya wajiga mulkiga ilaah ,halkaana imaamul bukhaari oo salaf ahaa buu ku sheegay qof aan muslim aheyn saaseyna culimada wahaabiyada markasta ugu edebdarootaa salafkii saalaxa ahaa eeg buuga ibn baz ee lagu magacaabo {fatawa ibn baz} baalka 523 aad.
6 aad-Tusaale kale hadana marakana waa al-nadh-ra ibn shamiil al-salafi waa salaf waana kanaa isaga oo fasirahaya micnaha qadamka ama lugaha xadiith-ka kuso aroorey ee ah sidatan:-
وأول النضر ابن شميل السلفي حديث {حتى يضع الجبار فيها قدمه} قال: إن معناه من سبق في علمه أنه من أهل النار. {illaa uu jabbaarku waa (ilaahee) uu dhigo gudaha waa (naartee) lugahiisa, lugaha halkani waxaa uu ku ta'wiiliyey isagoo inoo sheegey in loola jeedo micnaha illaa uu ilaah intii uu ilaah horey ogaalkiisa u ahaa ee naarta ilaah u qorey in eey noqdaan ehlu-naar.
saana waxaa inoo cadeynahaya imaam al-beyhaqi kitaabkiisa al-asmaa wasifaat baalka 330 aad iyo kitaabka al xafith ibn jowzi ee dafcu alshabah al-tashbiih baalka 223 aad.
imaamkaas an kor kusoo sheegney waa imaam salafi ah mana qabo sida eey qabaan wahaabiyada ee ah in ilaah lugo leeyahay lugihiisana uu naarta galinaayo ..waayo iyagu wa qoom lunsan oo aan laheysan xattaa salafkii waxeyna si cad ugu been abuurtaan salafka iyo ijmaaca islaamka sida caadada u ah.. salafkii iyo ijmaaca islaamkuba waxaa eey qabaan sidaa uu qabo imaamkas xafidka ah..saaseyna u qaateen khalafkii suubanaa caqiidada eey kasoo guursheen salafkii suubanaa.
7aad
-Tusaale kale hadana oo ku saabsan salafkii iyo ta'wiilka..markaana waa sufyaan .
Kani sufyaan ibn cuyeynah oo inoo ta'wiilin haya xadiithkaan hoose bal ila eega
الإمام سفيان بن عيينة تأوّل حديث الإمام سفيان بن عيينة تأوّل حديث {آخر وطأة وطأها الرحمن بوجّ}بقوله: إن معناه آخرغزوة غزاها رسول الله صلى الله عليه وسلم بطائف
xadiithkan sufyaan ibncuyeynah waxaa uu ku fasiray in loola jeedo dagaalkii ugu danbeeyey ee rasuulku galo caleyhi salaatu wassalaam uu ahaa kii dhaa'if .
8 aad

-Tusaale kale marakan waa imaamkii fiqhiyanka ahaa waa imaam al-maalik oo ina barahaya ta'wiilka isna sidatan buu ka yiri xadiithka nuzuulka ee ah soo degitaanka uu soo daganayo raxmanku in loola jeedo amarka eebe ..laakiin eebbe weynuhu waa ilaahee uu yahay mid aan isbadalin oo sifadiisa iyo thaatadiisa toona uuna yahay madoorsoome siduu awal uun uu ahaa wali ah...hadalkaasna ka eeg kitaabka siyar aclaam al-nubalaa ee ibn-dahabi baalka 418 ad juzkiisa7 aad..ka eeg hoos
وذكر الإمام الذهبي في ((سير أعلام النبلاء)) ج 7ص 418 أن الإمام مالكا رحمه الله تعالى أول النزول الوارد في الحديث فقال: قال الإمام مالك رحمه الله تعالى: ينزل ربنا تبارك وتعالى أي أمره، فأما هو فدائم لا يزول
9 aad -Tusaale mar kale haddana sufyaan ibn cuyeynah oo salafi ahaa waakan hadana isagoo ina bara haya ta'wiilka oo waliba ta'wiilin haya aayadan qowlka ilaah weynaaye :-
قوَله تعالى: {وهو معكم أينما كنتم} قال: هو علمه {waa uu idinla jiraa meeshaad ahaa taanba} waxaa uu yiri -waa ibn cuyeynee- micnuhu waa ogaalkiisa iyo cilmigiisa...ee micnuhu maahan ilaah baa meel kasta jooga thaatadiisa oo ilaah meel oo dhan waa uu ka nazahan yahay oo meel ilaah looma yeeli karo saana waxaa inoo caddeynahaya oo soo guurin haya imaam al-dahabi eeg kitaabkiisa siyar aclaam wa nubalaa baalka 207 juzkiisa 7aad كما نقله الإمام الذهبي في ((سير أعلام النبلاء)) ج 7ص 207 .
10 aad
-Tusaale kale iyo mar kale haddana waxaa uu in abar hayaa sufyaan al thowri ta'wiilka in qur'aanka la ta'wiilin karo isagoo ta'wiilinaya qowlka eebbe weynaaye {سنستدرجهم من حيث لا يعلمون} قال: نسبغ عليهم النعم ونمنعهم الشكر.} {waxeynu u jaran jarsiin oo eeynu u dallaci si eyan ogeyn} waxaa halkaan loola jeedaa buu yiri imaamkan salafiga ah isagoo ta'wiilinaaya aayaddan waxaa nu kuu dabooli nimcadayada iyo barwaaqadayada ilaa eey ka illoobaan oo aan hilmaan siino iney nagu shukriyaan oo ilaah ku mahadiyaan barwaaqadaas ilaah ku maneystey.
Saaseyna Salafkii u ta'wiilinjireen aayadaha quranka iyo axaadiithta nabiga intaba laakiin wahaabiyada iyadaa indhaha la' oo ilaahey ka qadiyey nuurka qur'aanka iyo fahamka macnaha qottoda leh iyo ta'wiilkuba ..saana waxaa inoo caddeynahayo oo soo guurin haya imaam aldahabi eeg isla marjaciihore baalka 190 aad juzka 7aad. الذهبي في ((سير أعلام النبلاء)) ج 7ص 190 .
Qeybta 11aad -Mar kale waa kanaa imaam al-xaafid al-mujaahid oo isna salaf ahaa oo isna ina bara haya ta'wiilka waana ardeygii ibn cabaas qalinka umadda islaamka
bal eeg isagoo ta'wiiliyey ayadan hoose oo ah qowlka eebbe kor ahaaye:- وكذلك أوّل المفسر الكبير التابعي مجاهد قول الله تعالى: {أن تقول نفس يا حسرتا على ما فرطت في جنب الله} قال مجاهد: يعني ضيعت من أمر الله. ذكر ذلك البيهقي في ((الأسماء والصفات)) ص 339 { in naftu tiraahdo shaleytadeydiyeey ar maxaan galey danbi iyo xad gudub jaanibka ilaah} halkaan jaanibka ilaah waxaa loola jeedaa amarka eebe oo ula jeedadu waa badanaa inta aan dayacey fariinta ilaah i faray..iyo awaamirtiisa.
Saasey ahaayeen salafkii kuwa ta'wiiliya aayadaha iyagoo ku tawiilinaayey wax ilaahey uun ku banaan oo aan sifadiisa wax u dhimi karin ..iyagoo iska dhowrahaya kana fogaanhaya iney ilaah jismi u yeelaan ama ku shabahaan maqluuqaadkiisa uu isagu uumay..hadalkaasna waxaa soo guurinhaya ibn beyhaqi waa imaamkii xaafidka ahaa oo waliba ka mid ka ah todobada xaafid kan ugu magaca dheer ..eeg kitaabkiisa {al-amaa wa sifaat}baalka 339 aad
Dhammaan kuwaasi waxaa eey ahaayeen salafkii suubanaa oo wada ta'wiiliyey sifooyinka ilaah mana ahan kuwa diinta ku xad gudbey..sida ey qabaan wahaabiyada iyadu ku xad gudubtey diinta kuna edeb daroodey culimada islaamka ee magaca iyo maamuuskaba leh ..waana kuwaa salafka saaseyna uta'wiiliyaan iyagoo cabirayo macno ku haboon . Hadaba sheegashada wahaabiyada salafka eey sheegtaan waa mid waxba kama jiraan ah mana la oran karo wahaabiyada waa ahlusunna ee waxaa la orankaraa waa kuwo lunsan oo aan meelna laheysan...hadaba caqiidada ahlusunna waa taas aan kor kusoo sheegney taasaana eey qaateen culimada ahlusunna waljamaacah...waddadiina iyagaa haya ---laakiin wahaabiyada waa firqo lunsan wixii raacaana waa eey lalumi waana ducaadda al-baabada jahanamo ---..dadkana ku hogaamisa al-baabka jahanamo..ilaah baanu ka magan galney in aanu raacno waddada wahaabiyada lunsan ..ilaahoow kuwaa umaddaada ka qabo iyo baadida eey xanbaarsan yihiin ...aamiin!!
Ugu danbeyn/ kheyrka ilaahow ina waafaji aamiin annagana dhig kuwii raaca waddada toosan ee salafkii inoo jideeyeen.. ee aan raacin waddada kuwa lunsan ee wahaabiyada noqdey aamiin !! aamiin!! aamiin
Qalinkii / Ustaad/ Osman S.Hersi
cismaaneey@live.com

www.nurudin.com