ilaahbaa mahad iska leh ..allahaasoo ka yeeley nabi maxamed CSW kan dunida ugu kheyrka badan iyo naxariis bulshada caalamka loo soo direy ..kana yeeley booqashada lasoo booqdo mid lagu helaayo danbi dhaaf iyo thawaab ..nabad iyo naxariis nabi maxamed korkiisa allaha ka yeelo iyo saxaabadiisii iyo inta raacdey waddadiisa toosan aamiin!!..kadib;

halkaan hoose waxaa ah buug uu qorey al-baanii ..waxaa uu ku diidahayaa in safar loo aado qabriga nabiga iyo in aad loo badiyo booqashadaas...cajiib!! sida aad ku aragtaan sawirka hoose ee baalka 132..markaad eegto qalinka jaallaha halka marsan...waa looma safri karo ..qabriga nabiga waxaana la nahyey oo lareebey buu ku leeyehay in safarkaasi lagu noq-noqdo dhowr jeer oo labooqdo...isagoo soo fasirahaya kalmadda (wal-ikhtilaaf ileyhaa) eeg sharaxa hoose ee uu ka bixinaayo waxaa uu ku leeyahay waxaa la reebey in safarkaas in badan lagu cesh-cesho oo labooqdo si isdaba joog ah ) .

iydoo eey jirto in ilaah inagu boorin hayo booqashada nabiga gaar ahaan xilliyada aan danbaabno ee aan naftayada dulmino sida ku cad naska qur,aanka suuradda al-nissaa aayadda 64/aad...eeg {haddii eey marka eey danbaabaan oo naftooda eey dulmiyaan kuu iman lahaayeen oo eey markaa ilaah danbidhaaf ku warsanlahaayeen (agtaada nabi maxamadoow) adna aad ilaah iyaga danbidhaaf u weydiin laheyd ..waxaa eey hali lahaayeen danbi-dhaaf iyo naxariis }..taasi waa boorin uu ilaah inagu boorin hayo booqashadiisa aayaddaan-na kuma koobna xilligii uu noolaa nabiga CSW oo kaliya balse waa xattaa dhimashadiisa waayo halkaan waxaa ilaah lahadlahayaa waa muslimiinta oo dhan ee ah umadda nabi maxamed ilaa kan ugu danbeeya .
xadiithka uu sida qaldan u fasirayana muftigan wahabiga ah micnihiisa waa (alloow haka yeelin qabrigeyga meel loo ciido) ula jeedaduna waa haka yeelin meel sanadkii hal mar uun kaliya xilliga hajka uun kaliya lasoo aado waayo af carbeedka kalmada ciid waa farax sanadkiiba mar lafarxo ..ama waa farax maalin munaasabad gaar ah uun leh.

marka nabiga isagoo dadka ku boorinaaya in labadiyo ilaahna ka baryaaya in aanu noqon mid lasoo booqdo sanadkiiba mar uun kaliya si ciid ahaan ah buu yiri ilaahoow haka yeelin meel uun loosoo ciido

xadiithkaasi aa ka hadleyno waa kan isagoo dhan
:-{ لا تجعلوا بيوتكم قبورا ولا تجعلوا قبري عيدا وصلوا علي فإن صلاتكم تبلغني حيث كنتم }
Ulajeedadu waa
{ haka yeelina guryihiina meel qabri ah hana ka yeelina aniga qabrigeyga meel loo ciid tago ee igu salliya waayo salliga aad aniga igu salliyeysaan meel walboo aad jogtaan waa uu isoo gaaraayaa }
Ula jeedadu waa ha noqdo faraxiina aad igu faraxdaan aniga meelkastoo aad joogtaan iyo waqtikasta ee yaanu kusoo kobnaan faraxiina oo kaliya markaad igu soo booqataan masjidkeygan (masjid al-rasuul) ee ku yaala qabrigeyga.
Halkaana waxaa laga fahmaayaa in guryaha ladaganyahay xattaa laf ahaantooda in nabiga laxusaayi eey ku ifaan laakiin guriga haddaan kheyr lagu aqrin sida Qur,aanka salliga nabiga I.W.M uu mugdi noqonayo kheyrkana ka fog yahay ..sidoo kale waxaa halkaa laga fahmayaa oo kale in meel walboo lagu aqriyo saliga nabiga oo lagu xusaayi in nabiga lagaarsiinaayo oo eey gaareyso..xattaa haddaan latagin qabriga nabiga.
sidoo kale halkaa waxaa laga fahmaayaa oo kale in qabriga nabiga sanadkiiba mar qura aan latagin oo ah xilliga xajka oo kaliya ee latagaa mar kasta oo waliba labadiyaa ...mana ahan arinka sida uu shiikha wahaabiga u fasirtey.
waxaana taa sii fasireyshaya xadiithkaan hoose
ما قعد قوم مقعدا لا يذكرون الله فيه ولا يصلون على النبي صلى الله عليه وآله وسلم إلا كان عليهم حسرة يوم القيامةوإن أدخلوا الجنة للثواب
{ Hadii ay umadi inta meel fariistaan aaneey ilaah ku xussin oo aaney nabigana ku sallin nabad iyo naxariis dushiisa allaha ka yeelee waxa uu u noqon fadhigoodaas shaley maalinta qiyaamaha xattaa hadii janadii eey u galaan abaal ahaan}
xadiithkaas waxaa soo saarey ibn -xibbaan
waxaa kaasi lamid ah isla xadiith kaloo oo uu soo saarey muslim oo isna saatan u qoran in nabiga CSW laga wariyey sidan:-
{ ما اجتمع قوم في بيت من بيوت الله يتلون كتاب الله ، ويتدارسونه بينهم إلا نزلت عليهم السكينة وغشيتهم الرحمة وحفتهم الملائكة وذكرهم الله فيمن عنده ) أخرجه مسلم في صحيحه
{marba haddii umadi ku kulanto guri kastaa oo guryaha ilaaheey ka mid ah oo eey ku aqriyaan kitaabka Eebbe waxna isku barayaan waxaa kusoo dagatta dushooda daganaansho waxaana daboosha naxariista(nabiga) malaa,iktaana dul haa-haabeysa allana waa uu ku xussaa kuwa agtiisa ah }
ula jeedadu waa inaaneey isku mid aheen meel ilaah iyo rasuulkiisa goor kastaa lagu xuso iyo meel aan laguba xusin in eey kala yihiin meel meyd ah iyo meel nool (geeri-iyo dhimasho) ..eeg xadiithka hoose ee uu soo saarey muslim saxiixiisa.
{ مثل البيت الذي يذكر الله فيه والبيت الذي لا يذكر الله فيه مثل الحي والميت}
hadaba hadalka ah shiikh al-baani yaan lasoo booqan qabriga nabiga ..iyo yaan usafarkiisa aad loo badin waa mid ka hor imaaneysa diinta islaamka iyo fariimihii nabigeena aan ka dhaxal-ley...fariinta wahaabiyadana waa marduud(mid laceshey)
Waxaa intaasi kasii yaabka badan isla mu,lifka buugaan waxaa uu ku baaqahayaa in gabi ahaanba la bur-buriyo qabriga nabiga lagana soo saaro oo markaa lagu aaso meel aan cidiba ogeyn ...si aan looba soo booqan ...ka eeg hadalkaas baalka 68-69 cajiiiib!!! farabadanaa colaada eey u qabaan nabiga iyo diintiisa iyo mu,miniinta nabiga jeceylkiisa qaba.
Kuwani wahaabiyada waa aabayaasha shabaabka soomaaliya .


by Ustaad Sh. Osman Said Hersi
cismaaneey@live.com