Xuska Mowliidka nebigeena Muxamed c.s.w. oo lagu qabtey Magaalooyinka Herning & Århus ee wadanka Denamrk

Runtii wuxuu ahaa mid sifiican u dhacey, dad sharafleh oo soomaalida Denmark ee magaalooyinka Herning iyo Århusba qaarkood

ey si fiican uga soo qeyb galeen ayuu ahaa. Waxaa ixtifaalka Mowliidka marti noogu ahaa Kheyr badan Allaha ku abaalmariyo

Sheekh Muuse Cadde oo kamida caalimiinta culimada Somaliyeed ee Ehlusunna Waljamaaca. Sheekh Muuse wuxuu nooga yimid Wadanka
Holland,Sheekh Muuse wuxuu mudaris ama sheekh diinta mudo dhan 30sano. Wuxuu kalo mar ahaa qaadiga maxkamadii ku tiil kaaraan ee
uu isna mar qaadi ka ahaa Sheekh Cali Dheere.
sheekhu wuxuu khudbadii jimcada aheyd ka jeediyey maalinkii jimcada aheyd masjidka Centerka ee magaalada Århus taar-
iikhduna aheyd 12.Marso.2010, wuxuu haddana muxaadaro ku saabsan ixtifaalka Mowliidka ka jeediyey hool loo kireeyey in lagu dhigo
ixtifaalka mowliidka nabigeena Muxamed c.s.w. oo ku yaaley Xaafada Brabrand ee Århus,Danmark, ee u dhow cityvest taariikhdu markey aheyd
13.Marso.2010. halkaasoo uu iyana kasoo jeediyey muxaadaro aad u heer sareysey, aadna loola dhacey dhageysigeeda

14.Marso.2010 waxaan kasoo dhaqaaqney magaalada Århus saacadu markey aheyd qiyaastii 11.25p.m. ee barqo nimo, anagoo kala aheyn
Sh. Muuse Cadde, Sh. Abuukar sh. Xuseen Cadde iyo aniga oo ah Cabdullahi Badri sh. Maxamed Nurudin iyo wiil dhalin yar oo
Lasocdey Sh. Abukar sh. Xuseen Cadde. Waxaa iyana kasoo baxey Magaalada Århus jameeco uu hogaaminayey sh. Cabdiraxman Axmed
oo baabuur kale watey si ey uga qeyb galaan ixtifaalka mowliidka ee lagu diyaariyey magaalada Herning ee wadanka Denmark

Reer herning waxey dalbadeen in raga gelinka hore loo sameeyo ixtifaalka Mowliidka, dumarkana loo sameeyo gelinka dambe
Halkaan hoose waxaad ka daawan doontaan sawiradii aan kasoo qaadey aniga Cabdullahi Badriya ee kasoo qeyb galey
Ixtifaalada Mowliidka ee lagu kala qabtey magaalooyinka Herning iyo Århus, waxaan ku bilaabidoona sawiradii aan kasoo
qaadey magaalada Århus kadibna magaalada Herning insha allah.
Ixtifaalkii lagu dhigey Herning dadkii kasoo qeyb galey


Waxaa miiska midig ka fadhiya sh. Muuse Cadde oo ka muxaadareynaya mowliidka addiladiisa iyo kheyrka ku jira, dhanka bidixna waxaa
fadhiya sh. Abuukar sh. Xuseen Cadde oo si weyn isugu howley imaatinka sh. Muuse Cadde ee uu yimid Denmark kheyr allaha ka wada siiyo

Sawirka kore waxaa ka muuqda jaaliyada Herning oo si xiiso ku jirta u dhageysanaya muxaadarada sheekh Muuse Cadde.
midig waxaa ka muuqda aweys iyo labadiisa cunug, cumar/shariifka, waxaa kurisiga ku fadhiya Madey,waxaa ka sokeeya Aweys(khaadimka)
waxaa madey bidix kaxiga Feysal C/llahi, waxaa kusii xiga Maxamed Yare, waxaa kusiixiga Maxamed Cabdullahi Badri oo funaanad gaduudan xiran
iyo ilmo yar yar oo waalidkood soo kaxeeyeen.


sawirka kore waxaa bidix fadhiya Cali Saalax(Xasan) waxaa ku xiga wiilkiisa, waxaa kusii sh. dayib oo uu uu bidix ka fadhiyo wiilkiisa


Sawirkan dhankiisa gadaale ee midig waxaa fadhiya Cabdiqaadir,waxaa ku xiga Xuseen waxaa kusii xiga Xasan ugaas,shaati, Aweys,
waxaa kaloo sifiican u dhageysanaya Xaajiga ama Cabdullahi Caato oo birta ku tiirsan.


Waxaa kaloo kor ka muuqda dhalinta Herning


Waxaa albaabka dhankiisa midig ka muuqda Khalid,ina Badoos,Cabdisalaam,sh.Maxamed Abukar,Maxamed Ali dhabareey,Sh.cali iyo dhalinta herning



Ixtifaalkii Mowliid ee lagu qabtey Århus iyo sawirada dadkii kasoo qeyb galey ka fiiri boga aanu u bixiney Ixtifaalka Mowliidka ee Aarhus
Waxaa soo diyaariyey
www.nurudin.com