Towxiid/Caqiido Qur'aan Subac Tafsiir Muxaadarooyin Minhaaj Nabi Amaan Taariikhda Culimada
Barnaamijyada Boggan: Akhbaaro & Maqaalo

Somali and Islamic Links:

This is a mail link:
Fadlan halkan nalaga soo xiriir

ama nurudin1@hotmail.com

Xalka Somalia iyo Aragtida Aqoonyahaniinta xorta ah By Sheekh Cabdi Risaaq Yusuf Aadan


Waagacusub Media Mogadishu 19 Janaury 2010.
Alle ayey mahadi u sugnaatay , Salli iyo Salaam Nabigeenna iyo Aalkiisa dushooda Allaha yeelo .
intaas ka dib , walaalayaal , deg deg dhibka Allaha uga qaadee Shacabkeenna Soomaaliyeed waxaa maalinba maalinta ka danbeysa soo food saarayey walaac iyo wel wel hor leh ; waxaa ku soo kordhay naxdin iyo walbahaar ay ku abuureen kooxo ku midab ah , una hamuun qaba baabi'inta bur burinta iyo xasuuqa shacabka . ma naxayaal aan bad baadinayn culamma iyo caammo , carruur iyo waayeel toona. Dhegohoodii ayaa maqlay , indhohoodiina wey arkeen dadkoodii oo la halaajinayo , waalidkoodii , walaalohoodii iyo ilmohoodii oo la qarxinayo , qaarkoodna cad cad u kala go'ay . Waxay arkeen dad soomaali ah oo loo gawracayo sidii xoolahii ; walaac ayaa ku sii kordhay shacabkeenna markii ay maqleen dadkii wax qarxinayey , wax gawracayey , oo haddana aqrinaya aayada quraan ah , cod dheerna ku oranaya Allaahu Akbar , Allaahu Akbar!! .Intaas waxaa ka daran , daawadii ayaa maqan. Jiha wareer baahsan ayaa ka jira sidii loo xallin laha khatarahan , shacabkii ayaa garan la' cudurka meesha uu ka jiro , si loo baadi goobo daawada . Waxay ahayd in culammadu tilmaan ka bixiyaan sidii loo xallin lahaa cudurkan huwan magaca diinta , iyo mushkiladan gaalaysiinta ah ee lagu bannaysanayo laynta iyo xasuuqa ummadda . Laakiin su'aashu waxay tahay , culammadii meeday ? . yaa ah , Culammada loo baahanyahay in ay tilmaamaan xalka , si loogu taageero ka mira dhalinta xaajadan murugtay ? . Haddii laga jawaabo su'aashan waxaa xaqiiqa ah : ? In waqti gaaban looga bixi karo mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ka dhashay shirqoollada qarsoon iyo kuwa muuqda ; oo ah kuwa lagu diyaariyey dagaallada , dilalka qorshaysan , dhaca , barakicinta iwm. ? In laga xoroobayo arrimaha murugada dhashey oo ah khatarta kuwa diinta ka been sheega , lana helayo culamma nadiif ah oo si deg deg ah u fashalin karta hagardaamooyinka ama mu'aamaradaha ku dhisan ka been sheegista diinta Islaamka . ? Jawaab ma noqonayso ereyga ah ma jirto culamma la aammino. iwm .
Jawaabtaas waxay faraha ka bixinaysaa Xalka , waana fikrad gacan siiynaysa oo dan u ah kuwa qatarta ah ee sida khaldan u adeegsanaya magaca diinka .
Jawaabtaasi waxay la mid tahay qof xanuunsan oo oranaya ma jiro dhaqtar ama daawo la aammino , taas waa danta cudurka iyo khasaaraha bukaanka .
Tan labaad jawaabtaas waa danbi , waxayna gef ku tahay diinta iyo ahalkeeda , waayo Alle iyo Rasuulkiisa CSWS ayaa caddeeyey in aan marna la waayeeyn culamma hagaagsan , balse dadka ay ku xiran tahay marba sida ay u kala gartaan culammada hagaagsan iyo kuwa sida khaldan u adeegsada magaca diinka. Marka laga hadlayo sida bulshadeennu uga dhunsantahay dariiqa xalka , una jahawareersantahay xilligan ; waxaan tusaale u soo qaadan karnaa qoraal aan aqriyey oo cunwaankiisu ahaa " soomaalida oo ku jaha wareersan Fatwooyinka siyaasadeysan ee Culammada " Ereyada qoraalkan ku qornaa waxaa ka mid ahaa"Soomaalida oo xiligaan ku jirta jaha wareer diineed kii ugu xumaa kadib markii culumadii looga fadhiyey tarbiyada shacabkooda ay ku milmeen siyaasadaha is diidan ee ka jira Soomaaliya" "Wiigaan gudahiisa waxaa hal mar shacabka Soomaaliyeed ay maqleen fatwoooyin si weyn leysugu gaaleysiinaayo oo xataa keentay in culumadii waaweyneed!!! ee Soomaaliya ku lahaa magaca diinta looga saaray Diinta , laguna gaaleysiiyey . taas oo shaki badan ku abuurtay shacab badan oo caama ah oo diinta wax weyn ka garaneynin , lakiin jeclaa mar uun in ay helaan culumo mideysan oo hal fadwo isla soo saara!". ? Sababta tix raaca qoraalkan Sababta tix raaca qoraalku ma aha in aan naqdiyo maqaalkan ; keliya waxaan mudnaan siinayaa laba arrimood oo mowduucu huwan yahay :
1. Cabashada laga muujinayo kuwa wax gaalaysiiya kuma koobna qoraalkan aan aqriyey , waxay hareysay geyiga aan ku nool nahay ee soomaaliya , waxayna noqotay hadal haynta ugu badan ee Soomaalida maanta , meel kastoo ay joogto.
2. Waxaa hubaal ah in jawaabta laga bixiyo hadal hayntan , ay gacan weyn ka gaysanayso baadi goobka xalka Soomaaliya oo la ogyahay heerka uu maanta marayo. Haddaba , si aan u helno jawaab waafi ah oo ku habboon xalka arrimahaan murugsan waxaa lagama maarmaan ah in aan is weydiinno su'aala badan oo muhiim u ah raadinta xalka iyo sida looga bixi karo mushkiladaha ay keentay gaalaysiintu. Aan is weydiinno :-
Soomaalida miyaa is wareerisey mise waxaa wareeriyey culammada saxda ah . ?
Soomaalidu ma is weydiiyeen goormay idinku billaabatay dad culamma sheeganaya oo gaala ku sheegaya Culammadii Islaamka , iyo dadka muslimiinta ah ? .
Ma is weydiiyeen Soomaalidu , yaa sheekhya u ah kuwa wax gaalaysiiya? xaggeese ka soo jeedaan asalkooda diineed?.
Ma is weydiiyeen in culammada la sheegayo in la gaalaysiiyey ay yihiin kuwii dhallin yarada baray gaalaysiinta , haddii jawaabtu tahay haa , maxaa keenay qaylada ?.
Maxay Dadku u qayliyeen markii ay shabaabka wahaabiyadu gaala ku sheegeen isla sheekhyadoodii wahaabiyada ee soo baray gaalaysiinta ; sida: Sh. Umal , sh. Cumar Faaruq , Sh. Shariif C/Nuur , Sh , Mustafa, Sh. Xasan Daahir Aways , Sh. Dirir , Sh. C/Qaadir Gacameey , Sh. Daahir Indha buur , sh Bashiir iyo kuwa la midka ah ?.
Sow wadaadadaan aan soo sheegnay ruuxoodu ma aha kuwii gaalaysiiyey sheekhyadii Soomaaliyeed ee iyaga ka waawaynaa kana cilmiga badnaa , sida :- Caalimkii weynaa sheikh Cabdu Raxmaan Suufi , Sheekheekhiisi Sh. Abuubakar Mixdaar , Sheekh C/Raxmaan Saylaci , Sheekh Uweys Axmad al-Qaadiri, Sheekh Xasan Mucallim , Sheikh Cali Maye . iyo sheekhyadii la xiriirey sida : Sheekh Cali samatar , Sheekh Cabdi Raxmaan aw Cumar , Sheekh C/llaahi Mucallim Yuusuf (Biya maaloow ) , Sheekh Yuusuf Direed , Sheekh xuseen Cadde , sheikh Nuur Mucallim , Sheikh Cali Cilmi , Sheekh Cabdi Sheekhaal , sheikh C/Raxmaan Xareed , sheikh Xasan Mareexaan , Sh. C/llaahi Cabdi , Sh. C/Raxmaan Baar dheere , sheikh shariif C/Raxmaan oo dhammantood ahaa caalimiin magac weyn ku leh diinta Islaamka?. Haddaba, haddii sheekhyada wahaabiyadu gaalaysiiyeen Culammadan waawayn iyo culammadii la midka ahaa sow ma gelin gef weyn , sow diintii kama been sheegin , sowse kuma dhicin cuqaba iyo nabsi haddii iyagana markoodii la gaalaysiiyey oo weliba ardadoodii gaalaysiiyeen , sidii ay iyaguba u gaalaysiiyeen sheekhyadii soomaaliyeed ee iyaga ka waawaynaa?.
Dadka iyo saxaafadda Soomaalidu maxay u qaylyi waayeen waxna uga qori waayeen markii la gaalaysiinayey culammadaan akaabirta ah? Ee la ogyahay doorkii ay ka soo qaateen faafinta iyo difaaca diinta Islaamka?.
Maa la sheego wadaaddada hadda la gaalaysiiyey ee la leeyahay culammadii waaweyneed ayaa la gaalaysiiyey in hadda iyo horba ay gaalaysiiyeen culammadii iyaga uga waawaynaa diiinka oo ay ka mid yihiin kuwaa aan soo sheegnay iyo kuwa aan sheegi doonno intaba ? Qofkii og , iyo qofkii aan ogaynba wadaadada wahaabiyada waxaa gaalaysiiyey ardadoodii iyaguna waxay horey u gaalaysiiyeen sheekhyadoodii shaaficiyada ee ahlu dariiqada ahaa , ka hor intii aanay wahaabiyada noqon . haddaba , sow ma cadda in Alle ku abaal mariyey in ardadoodu u gaystaan dhibaatadii ay u geysteen sheekhyadooda . Sidaas darteed mar kale aan is weydiinno :?
Sh. Ummal , Sh. Bashiir , sh. Cumar Faaruq , sh. Xasan Daahir iyo wadaadada kale ee la midka ah maxay u qaylinayaan haddii ardadoodu gaalaysiiyeen , maadaama iyaguba horey u gaalaysiyeen una dacaayadeeyeen sheekhyadoodii ahlu dariiqada ahaa, oo ay ku jiraan aabbayaashii iyaga dhalay. ?Wadaadadaan iyo kuwa la midka ahba waxay awooddooda iyo maalkooda isugu geeyeen , sababna u noqdeen in culammadaas ahlu sunnada ah ee wax soo bartay ay dad caamma ihi meel walba ku caayaan , kuna gaalaysiiyaan ; Haddaba , maxaa loola yaabayaa haddii aan maanta maqlno dadkii caammada ahaa oo diintoodii ku jaha wareersan , kuna dhawaaqaya ma naqaan meel aan raacno , culammadii ayaa is gaalaysiinaysa iwm. ?Weli laysma gaarin ilaa la garto khaladka lana qirto, kow iyo laba ma joogto haddii aan la maqal markii horaan khaldannaye aan culammadeennii hore u soo laabanno, diin cusubi sooma degene, oo aan ka dhex baxno kooxahaan wax gaalaysiiya , ugu danbayntiina iyagii is gaalaysiiyey. ?Iska Illooba , waa dicaayad mana jirto mar marsiyada ah culammadii hore looma laaban karo waayo waa khuraafiyiin , taas waa eray ama hadal takfiir ah , waxaana lagu qanciyey dad aan aqoon u lahayn diinta Islaamka. Waayo istigaasada iyo tawasulka ay kuwa wax gaalaysiiyaa ku sheegayaan khuraafi nnimada , bidcada ama shirkiga waa been , waxaana sameeyey Saxaabada Rasuulka iyo salafkii suubbanaa , mana jiro kitaab weyn oo aanay ku qornayn , tafsiir , xadiis ama taariikh Islaam mid kuu doono ha ahaadee , mana jiro Imaam wayn oo diiddan . haddaba sidee mas'alo ilaa heerkaas saxsan loogu sheegi karaa Khuraafaat , ama shirki , sow taasi ma aha takfiir iyo gaalaysiinta la eeday . ? Sow dadku wax ma aqriyaan Sow dadka soomaaliyeed wax ma aqriyaan , oo weliba saxafiyiintu wax ma aqriyaan ?, Immisa jeer ama meeqa mar ayey soo baxday ifta ay sheekhyadan wahaabiyadu ku gaalaysiinayaan dadka Soomaaliyeed , maxaa hadda loo leeyahay waxaa la gaalaysiiyey culamma caan ah ?, immisa ayaan akhrinnay ama dhegeysannay ama aad ka qayb gasheen muxadaro ama nadwa ay sheekhya ka yihiin Sh Cumar faaruq , sh. Ummal , Sheekh C/Qaadir Gacameey iyo dhamaan wadaadadii al-itixaadka oo muslimmiin gaalaysiinaya, kuna boorrinaya dhallin yarada in ay dagaallamaan , haweenkuna dahabka furan.
Shariif Cabdi nuur
Shariif Cabdi nuur oo ah muftiga ugu weyn wahaabiyada , wuxuu ahaa marjica ay Al-Itixaadka iyo wahaabiaydii la midka ahaa ula laabanayeen fikirka , una iftoonayey dagaalladii ay geli jreen iyo gaalaysiinta wixii aan wahaabiya ahayn.
Waxaa ustuudiye kasta yaalla , kitaabba uu duubay oo ah kuwa muslimiinta lagu gaalaysiiyo ; waxaana ka mid ah kitaabka ay ku magacaabeen "Kitaabu Tawxiid!!!" ee lagu sharxay Fatxul Majiidka , kan ay ku sheegeen Qurratul Cuyuunil Muwaxidiin! , iyo Taysiirka!?. Waxaana la ogyahay in kitaanbkan uu aqriyo shariif C/Nuur iyo sharxyadiisu yihiin kitaabbo laga barto gaalaysiinta muslimiinta iyo takfiirka. Kitaabbadan waxay gaala ku sheegaan , ama gaalaysiiyaan Imaamyaal aad ugu waawayn diinta Islaamka , oo qaarkood yihiin Ruwaadda weriya Axaadiista Rasuulka SCW ; qaarna yihiin Iaamyaalka Tafsiirka quraanka , xataa waxaa ku jira oo ay gaalaysiiyeen Imaamyaal salafu Saalix ah , waxaana Imaamyaalkaas ka mid ah : Imaam Abul Qaasim Al-Junaydi , Imaam Sariyu Saqdi , Imaam Axmad Ibnu Abil Xawaaari , Imaam Abuu Zayd Al-Marwasi Al-Ashcari oo ah Rawiga ugu weyn ee weriyey Saxiixul Bukhaari . Immaamul Jaluudi Al-suufi , oo ah Raawiga ugu weyn ee weriyey Saxiixu Muslim. Imaam Ibnul Acraabi Al-suufi oo ah Xaafidka weriyey Sunanu Abii Daa'uud. Imaamul Bayhaqi , Imaamu Daaraqudni , Imaamul Xaakim , Imaam Abuu Nucaym , Imaam Khadiib Al-Baqdaadi , Imaam Ibnu Casaakir oo dhammaantood ah Imaamyaalka weriya Axaadiista Rasuulka CSWS , Imaamul Xarameyn , Imaamul Qazaali , Al-Xaafid Qaadii cayaad , Al-Imaam Sheekh Cabdul Qaadir Al-Jiilaani. Al-Imaam al-Xaafid Al-Nawawi , Imaam Cisu diin Ibnu Cabdi salaam iyo Imaamyaal kale oo aan halkan lagu soo koobi Karin. Kitaabbadii lagu gaalaysiiyey Imaamyaalkaas waawayn ayuu aqriyaa shariif Cabdi nuur ; waana faham yari in laga qayliyo haddii isaga iyo kuwa la midka ah ay gaalaysiiyeen ardadoodii shabaabka ahaa , oo sameeyeey isla dhaqankii ay ka barteen sheekhyadooda.
Sh. Cumar faaruq
Sh. Cumar faarruq wuxuu hoggaaminayey wadaddadii ugu waawaynaa Al-Itixaadka ee 16-ka ahaa ee saxiixay iftihii lagu gaalaysiiyey laguna amray in lagu laayo soomaalida deggan Gobollada Woqooyi bari , Nuugaal sool Mudug iyo dhamman Soomaalida aan raacsanayn fikrigaWahaabiga. waxayna iftihaas ku magacaabeen bayaan ka soo baxay dhammaan Culammaa'udiinka soomaaliyeed, iyo gole ay u dhanyihiin Culammadu. Wuxuu duubay cajaalado uu ku gaalaysiinayo imaamyaalka Raacsan Madaahibta , wuxuuna ku sheegay Rabbiyaalo la caabbudo Alle sokadiisa. Wuxuu duubay tafsiir uu ka buuxo takfiirnimada , gaalaysiinta iyo dhalleeceynta culammada Islaamka , waxaana tafsiirka Sh, Cumar Faaruq iyo muxaadarooyinkiisu noqdeen marjica ay Al-Itixaadka iyo shabaabka wahaabiaydu ka bartaan gaalaysiinta iyo laynta Muslimiinta. Wuxuu qayb lixaad leh ka qaataa dhaqaalaha loo uruuriyo wahaabiyada ka dagaallanta Soomaaliya , weliba wuxuu ka mid ahaa raggii Arrimahaas ka hir geliyey Yurub Ameerika iyo qaarda kale .
Sh. Boqol soon
Sh. Boqol soon wuxuu ahaa ruuxa ugu cad cad, uguna ad adag gaalaysiinta dadka Soomaaliyeed iyo culammadooda Ahlu Sunna wal-Jamaaca ee soo jireenka ahaa . wuxuu duubay cajallada uu culammadaas ku sheegayo in ay Mushrikiin yihiin , ayna raaceen daaquut ama sanam.
Waxay wahabiyadu aad u maal geliyeen cajaladihiisa oo guri walba la gaarsiiyey,
Meel walba waxaa yaal cajaladaha uu ku amrayo in la laayo wixii aan haysan Fikradda ama caqiiddada Wahaabiyada ee uu ka tirsanyahay.
Wuxuu si toos ah ugu dhawaaqayaa isagoo aad u qaylinaya : " Laaya saraakiisha , laaya ugaasyada iyo madaxda dhaqanka, laaya aqoonyahamiinta , laaya siyaasiinta iyo madaxda dawladda. Ogaada , Soomaaliyeey oo ogaada dhammaan dhaqanka iyo ficillada aan ku arkeyno shabaabka ma aha wax shabaabku iska sameeyeen , waxaa amray una iftooday sheekhyadooda aad leedihiin maxaa loo gaalaysiiyey. Rabbi ha naga dhigo kuwa wax garta.
Sh. Ummal.
Waa ninka ugu caansan inta aan arkay dad gaalaysiinta iyo maal gelinta iyo abaabulka kuwa wax gaalaysiiya.
Ma jirto cid xisaabin karta muxaadarooyinka , kulammada iyo nadwooyinka uu ku gaalaysiiyey culammada ahlu sunna wal-jamaaca iyo dadka raacsan.
Wuxuu duubay cajalado iyo kitaabbo dhammaantood huwan takfiir iyo fikriga uu maanta shabaabku dadka ku xasuuqayo , la yaab ma laha haddii ay maanta isagii kula soo jeesteen , waxayna ku eedeeyeen in uu munaafaqaynayo oo wixii uu u sheegay ee gaalaysiinta ahaa uu dadka tusayo in aanuu shaqa ku lahayn.
Waxay ku eedeeyeen meesha uu ka kenay hantidiisa faraha badan oo ay aaminsanyihiin in uu ku qaatay faafinta waxa uu maanta diidanyahay ee ah in uu ka qayb qaato Jihaadka iyo gaalaysiinta Shabaabka.
Waxay ogyihiin in weli uu aamminsanyahay afkaartii uu dadka bari jirey , magaca xarakadana , uu ku helay welina ku qaato dhaqaale aad u fara badan . Sidaas darteed waxay ku xukumeen
1. Nin ka meer meeraya xaqii oo ku dhacay waxa ay u yaqaanniin nawaaqidul Islaam , oo ah waxyaalaha Islaamka buriya ee lagu gaaloobo.
2. Nin xagal daacinaya Jihaadka , sidaasna ku noqday munaafaq gebi dhaclaynaaaya.
Sh. Dirir
Sh . Dirir wuxuu ka mid yahay dadka ugu caansan uguna fir fircoon ee faafiyey fikradda wahaabiyada ee muslimiinta lagu gaalaysiiyo.
Dirir wuxuu bilaabay beryahan danbe in uu afka ka dhowrto gaalaysiinta marka dad badani maqlayaan maadaama uu shacbiyad badan ka helay dadka uu ka soo jeedo ee reer soomali land.
Afka dhowrashadaas oo la hubo in aanay waxba ku terayn sababa badan oo jira awgood:
1. Wuxuu haystaa , faafiyaa kana tirsanyahay wahaabiyada oo ku dhisan fikriga gaalaysiinta iyo dilka muslimiinta oo ay 60% boqolkiiba lixdan ku shaqeeyaan kooxda Al-shabaab. waxaan uga jeedaa 60% waxaa weli u dhimman shabaabka 40% boqolkiiba afartan , oo aan weli duruuftu u saamixin fulinteeda !!! haddaanba yaabbannehee ka warrama haddii ay ku daraan afartanka dhimman ee ay weli awwoodda u la'yihiin.
2. Sh. Dirir wuxuu duubay cajalada badan oo si si toos ah iyo si dadbanba u muujinaya gaalaysiinta iyo al-Itixaadnimada.
3. Waxaa la hayaa nadwooyin uu ka qayb galay iyo kuwa uu taageeray oo lagu dar dar gelinayo laguna horummarinayey arrimaha shabaabka dhalay.
4. Waa wax lagu yaqaan wahaabiyada in ay diinta ku saleeyaan marba sid aay shacbiyadda ku helayaan , haddii ay arkaan in shacabku ka hor imaan karo fikrigooda hoos ayey u dhigaan , haddii kalena bannaanka ayey so dhegayaan . Masalan Sh. Dirir markii uu is yiri ururkii la baxay midowga Maxaakimta Islaamiga ! way qabsanayaan dalka oo dhan , wuxuu hargaysa ka sameeyay shirar iyo dhaq dhaqaaqyo uu ku taageerayo Maxaakimta. Taasoo qal qal gelisey taageeradiisii hore ee reer S/Land.
5. Abaabulka uu sh. Dirir sida gaarka ah u sameeyo waxaa ka soo baxa ciyaalka ka qayb qaata gaalaysiinta , is qarxinta iyo dilalka muslimiinta.
Sh. Mustafa
Mustafa Xaaji Ismaaciil aad ayey wahaabiyadu u faafiyaan cajaladihiisa , inta badanna wuu iska ilaaliyaa in uu si toos ah wax u gaalaysiiyo si uu shacbiyad u helo ; laakiin taas micna weyn ma sameyneyso wuxuu ka mid yahay tiirarka wahaabiyada .
Nadwooyinkiisa iyo abaabulladiisu waxay ka mid yihiin meelaha ugu badan ee dhaqaalaha looga uruuriyo ama laga maal geliyo ciidammada wahaabiyada ee isugu soo biya shubtay dilaayaalka caanka ah ee Al-Shabaab iyo Xisbul la eslam.
Qof kasta oo jeclaysata ama ku qanca cajaladihiisa xiiladaha iyo nifaaqu ka buuxo wuxuu jeclaaday ama ku xirmay sheekh wahaabi ah ; sidaas darteed wuxuu aamminayaa ama u dhega nuglaanayaa fikriga wahaabiga ah.
Mustafa wuu ku qasbanaan lahaa in uu uga hadlo gaalaysiinta sida ay uga hadlaan wahaabiayda kale , laakiin taas isagu uma qaabbil sana waxaa u xil saaran wadaaddada kale ee aan ku sheegnay qoraalka iwm. Marka aan leennahay wahaabiya waxa aan uga jeedaa firqada uu sheekh u yahay Maxammed Cabdul Wahaab oo ah nin muslimiinta gaalaysiiyey , isla markaana laayey culamma kun mar ka badan kuwa ay laayeen Shabaabku . sidaas darteed , ninkii amminsan fikradda Wahaabiyada waa qof aamminsan fikrad takfiir ah oo dilaa ah ; ama ha qarsado duruuf jirta awgeed ama ha muujisto awoodda uu is biday awgeed.
Sh. Xasan Daahir Uweys
Xasan daahir iigama baahna sharraxaad isaga aad ayaa looga yaqaan soomaaliya inta uu dil ka geystay , inta uu bara kiciyey , iyo waxa takfiir iyo gaalaysiin afkiisa ka baxayey.
keliya waxaa muhiim ah in la fahmana mudan in aanay waxba kala beddelneyn Xasan daahir iyo sheekhyada wahaabiyada ee aan soo sheegnay oo ay isku caqiiddada yihiin , keliya waxay ku kala duwanyihiin Xasan Daahir wuxuu u qaabilsan yahay dhinaca dagaalka , iyaguna waxay qaabilsan yihiin dhinaca dacwada , faafinta caqiiddada , aqrinta duruusta , abaabulka , iftaha , dhaqaala uruuurinta iwm.
Sh. Cabdul Qaadir Gacameey C/Qaadir nuur faarax ( gacameey ) wuxuu ka mid ahaa golihii u sarreeyey Al-Itixaadka ee shuurada , waxayna aad isugu dhowaayeen Xasan daahir Aweys .
Wuxuu ka mid yahay ragga ugu cad cad ee soomaaliya ku faafiyey Takfiirka gaalaysiinta ku dhisan ee mabd'a wahaabiyada.
Waqtigan aan joogno waa wadaadka ugu dhaqadhaqaaqa badan ee degaannada Pumtland ka faafiya fikradaha wahaabiya nnimada ee lagu hawl geliyo dhallin yarada dagaallanta.
C/Qaadir gacameey wuxuu hadda haystaa fursada badan oo uu si dadban iyo si toos ah ugu fulin karo hawlaha lagu dar dar gelinayo wahaabiyannimada . fursadahaas uu haysto sh. Gacameey waxaa ka mid ah:
1. Wuxuu si buuxda gacanta ugu hayaa mas'uuliyiin ka mid ah maamulka Puntland oo uu ka mid ahay madaxweynaha maamulka Faroole. Weliba qaar ka mid ah dadka reer buntland waxay aamminsanyihiin in Sh. C/Qaadir gacamey la dhihi karo waa madax weynaha rasmiga ah ee Puntland.
2. Awoodda weyn ee C/Qaadir gacameey ku dhex leeyahay ganacsata badan oo reer Puntlan ah waxay sahashay in dhallin yarada wahaabiyadu qal qal geliyaan nabad gelyada degaannada Puntlan.
Sh.Daahir Indha Buur
Sh. Daahir aw cabdi Yuunus oo hadda ku nool magaalada Boosaaso wuxuu ka mid ahaa Xubnihii ugu fir fir coonaa Al-Itixaadka , uguna abaabul-ka badnaa dhinaca dagaalka iyo gaalaysiinta Soomaalida.
Wuxuu ka mid ahaa raggii dagaalkii araare , dagaalkii Luuq iyo kuwii la midka ahaa , ilaa iyo haddana wuxuu gacan weyn ku leeyahay dhaq dhaqaaqa uu Sh. C/Qaadir gacameey ka wado gobollada hoos taga dawlad goboleedka Puntland
Daahir indha buur wuxuu ka mid yahay raggii ugu cad caddaa ee dalka ku faaafiyey caqiiddada iyo afkaarta Wahaabiyada , waxaana Sh. Dahir indha buur lagu xasuustaa duruustii lagu qooshay gaalaysiinta iyo kicinta dhallin yarada xammaasadaysan ee uu ka aqri jirey Masaajidkii Ceel Hindi ee Xaafadda Hodon , waqtigii dawladdii kacanka.
Sh. Cali Warsame
Sh. Cali warsame waa guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ururka Al-Itixaadka, wuxuu degganyahay Magaalada Burco , wuxuuna ka mid yahay nimanka ugu caansan ee faafiya fikriga wahaabiga ee lagu diyaariyey dhallin yarada dhiigga daadiya ee Al-itixaad , oo hadda ah Al-Shabaab iyo Xisbul Islaaan.
Wadaadkan oo ah nin da'diisu weynthay mudda badan soo wedey gaalaysiinta iyo dhiirra gelinta dilalka wuxuu u surowday in dhallinyarada ka soo jeedda beeshiisa ay inta badan wahaabiya noqdaan waxaana qaar ka mid ah dhallin ayradiisii ka dagaallamaan koofurta Soomaaliya.
Weli doorkiisii faafinta caqiiddada ama dacwada wahaabiyada aad ayuu u xoog badanyahay wuxuuna si weyn u gacan siiyaa Sh. Dirir oo uu u arko in uu ka mid yahay mirihii uu soo saaray. Sh. Maxammed sheekh cusmaan
Kan waa nin ganacsade ah oo deggaan jirey London UK , ka dib wuxuu sal dhig ka dhigtay Nayroobi Kenya waana milkiilaha shirkaddii xawaaladda Dal San ee dadka lagu dhacay.
Wuxuu ka mid ahaa wahaabiyadii abaabuley waxna ka maal geliyey maxkamadihii Xamar ka howl galay ee uu goddoomiyaha ka ahaaa Shariif Sheekh Axmad .
Wuxuu ka mid ahaa raggii ugu fir fircoonaa ee faafiyey fikradda gaalaysiinta, wuxuuna ka soo qayb qaatay diyaarinta Shabaabka.
Dhammaan wadaadadan aan Soo sheegnay
Dhammaan raggan aan soo sheegnay iyo kuwa la midka ah meel kastoo ay ka joogaan adduunka , dalka iyo debeddaba , waa raggii faafiyey fikrigan ku dhisan gaalaysiinta muslimiinta, xalaalaynta dhiigga , is qarxinta , gawraca iwm.
Wadaadadan waxaa loo diyaariyey hab caalami ah oo sababay in ay noqdaan dad caan ah , si loogu aqoonsado magac , cilmi iyo aqoon aanay weligood gaarin. Waxaa la siiyey hanti aad u fara badan ooay isku muujiyaan. Taas waxaa ka badan hantida ay ka helaan maal qabeennada wahaabiyada iyo kuwa aan xog ogaalka ahayn.
Dadka wax ka yaqaan diinta ayaa og in wadaadadan wahaabiyadu yihin kuwo aan aqoon saasa u lahayn diinta Islaamka , haddii laga reebo wadaadka lagu magaaabo Shariif Cabdi Nuur.
Shariif C/Nuur ruuxiisu aqoon uma laha Axkaamta , ama fiqhiga diinta Islaamka oo ah cilmi aanu ka maarmayn qofkasta oo raba in uu si sax ah uga jawaabo Axkaamta diinta Islaamka , way qoslaan dadka aqoonta lihi marka ay arkaan caammada wahaabiyada oo dhahaya shariif C/Nuur waa muftiga ugu aqoonta badan Culammada Soomaaliya. Shariif c/nuur intii aanu noqon wahaabiyada , kama mid ahayn xataa culammada dalka laga yaqaan , laakiin maadcaama uu ku biiray dad aan aqoon lahayn ayuu u noqday ninka iyaga ugu aqoonta badan.
Aqoonta waxaa ka daran waxay caqiidadoodii hore ku gateen caqiidda ay ogyihiin in ay tahay khatar halaag ah , adduun iyo aakhiro ; ahna caqiidda uu imaam ka yahay nin ay ogyihiin in aanu ka mid ahayn Ahlul Cilmiga oo lagu magacaabo maxammed C/Wahaab . Lama heli karo hal dabaqa oo ka mid ah dabaqadaha cilmiga oo uu ku qoranyahay Sheekha Wahaabiyada ee Maxamed C/Wahaab.
muuqaalkan waddaadadan iyo waxa ay qaban karaan
Maal gelinta faaraha badan ee ay haystaan wadaadada aan soo sheegnay iyo taageerada ka dhalatay hantidaas waxay ku heleen muuqaal u suura geliyey in si weyn looga barto soomaalida dhexdeeda.
Muuqaalkaas ay yeesheen wadaadadan wahaabiyadu wuxuu weli difaac u yahay kooxda Al-Shabaab iyo kuwa la midka ah ee sida fudud u daadiya dhiigga shacabka, una gaalaysiiya dadka Muslimiinta ah.
Intaas awgeed , micna ma sameyneyso eedaynta faraha badan ee sida gaarka ah loogu soo jeediyo kooxda Al-Shabaab , mar haddii si weyn loo taageersan yahay wadaadadii sameeyey shabaabka , wadadaas oo weli faafiya , xaqna u aamminsan caqiiddada ay ku dagaallamayaan shabaabku ee wahaabiyada.
Maxay qaban karaan waddaadadan la caan bixiyey.
Wadaadadan aan soo sheegnay ee lagu caan bixiyey dhaqaalaha loo adeegsaday war baahinnada , safarrada debedda iyo gudaha , qoraallada , cajalladaha , xaruumaha diiniga iyo kuwa ganacsigaba waxay qaban karaan hal wax , laakiin wax weyn tari kara , haddii ay nasiib u yeelan lahaayeen.
Waa xaqiiqa ah in haddii ay sameeyaan halkaas arrin ay bad baadin karaan dad badan oo soomaali ah , iyagana waxay u noqon kartaa towbad anfacda aakhiradooda iyo adduunkoodaba . haddaba su'aashu waxay tahay waa maxay halkaas arrin ?
Halkaas arrin waxay tahay:
In ay ka baxaan wahaabiyada ; una laabtaan dariiqadoodii Ahlu Sunnada ee ay wax ku soo barteen, waxa ugu yar oo ay ka helayaan ahlu sunna ayaa ah in ay helayaaan sheekhyo u kordhiya aqoonta diinta , iyo arday edeb leh oo aan ahayn sida ardada wahaabiyada oo ah kuwa sheekhyadoodii gaalo ku sheega madaxana ka toogta iwm.
Waan garan karnaa caqabadaha ku imanaya wadaadadan haddii ay ka baxaan wahaabiyada laakiin waxaa ka weyn guusha iyo khayrka ay helayaan ; waana arrin naadir ah oo u baahan geesinnimo taariikhi ah. Caqabadahaas ku iman kara wadaadadan waxaa ka mid ah :-
1. Waxay weynayaan maal gelinta ay hadda haystaan , oo ah arrinta ugu muhimsan oo ay markii horeba u xisheen.
2. Waxaa aad loogu furayaa dacaayad lagu xumaynayo sumcadooda , taas ma aha mid fudud , waa tii markii horeba lagu caan bixiyey laguna gaarsiiyey heer aanay weligood gaari karin.
3. Waxaa qal qal gelaya nabad gelyadooda , waxaana lagu didaalayaa in laga xayuubiyo dhaqaalaha badan ee ay ku heleen wahaabiyannimada , iyadoo ay suura gal tahay in qarashaad badan lagu soo dallaco.
4. Waxay ka dhex baxayaan wahaabiyadii ay ka aqoonta badnaayeen, waxayna u tegayaan sheekhyada ahlu sunna oo ay ogyihiin in ay aad uga aqoon badanyihiin.
5. Waxay waaynayaan telefishinnadii , iyo idaacadihii laga xayeysiin jirey si ay u noqdaan sheekhya caan ah.
Iyadoo ay jirto caqabadahaas iyo kuwa ka badan oo hor yaalla wadaada hoggaamiya wahaabiyada Soomaaliya haddii ay ka baxaan wahaabi-yannimada, haddana waxay heli lahaayeen wax intaas oo dhan ka wayn oo ah .
1. Waxaa bad baadi lahaa dad badan oo muslimiin ah , waxaana meesha ka bixi lahaa in qof danbe oo muslim ah lagaalaysiiyo sidaasna lagu bannaysto dilkiisa.
2. Waxaa meesha ka bixi lahaa firqooyinka faraha badan ee ku dagaallama danaha kala duwan.
3. Waxaa quus ku dhici lahayd fara gelinta wejiyada badan ee waddammada gumaysiga .
4. Waddaadadan ruuxooda ayaa ka bad baadi lahaa dhallin yara ay wax soo bareen soona bar baariyeen oo gaala ku sheegaysa , surkana ka jaraya.
Haddii wadaadada wahaabiyada laga waayo soo laabashadaas bad baadada ah , waxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed in ay u fahmaan wadaadadan sida ay u fahmeen shabaabka iyo ka daran , maadaama aanay kooxda shabaabku jireen iyaga la'aantood. Weligeedna aan laga xoroobayn khataraha shabaabka inta weli la faafinayo caqiiddadii iyo fikraddii keentay gaalaysiinta iyo dilalka ay ku dhaqmaan Shabaabku .
Hantiilayaasha Wahaabiyada.
Koofurta dalka soomaaliya oo ay sida ugu culus uga hawl galaan kooxaha wahaabiyada , waxaa ka jira maal qabeenno iyo saami qaatayaal shirkadeed oo aad loo maal geliyey si ay u faafiyaan fikradda wahaabiyada . Hantii layaashaas waxaa ka mid ah kuwa dhaqaalaha loo soo mariyo sheekhyada wahaabiyada iyo ciidanka u dagaallama. Waxaana nimankaas ka mid ah:
1. Axmad-Nuur cali Jimcaale , oo ah milkiilaha shirkadda Al-Barakaat, Hormuud iyo kuwa kale.
2. Abuukar Cumar Caddaan oo maamuli jirey dekeddii Ceel macaan , hanti badanna ku leh dibedda iyo gudaha .
3. Ciise Cali War dheere . oo ah milkiilaha shirkadda Mustaqbal , dhaqaala badanna ku leh debedda iyo Gudaha.
4. C/laahi Nuurre Aw diini hantiile wax ku leh shirkadda Dahabshiil , wakiilna uga ah Caasimadda Muqdisho oo ahayd meesha ugu muhiimsan shirkadda , waxaana la sheegaa in uu wax ku leeyahay shirkada kale.

War baahinnada taageera wahaabiyada.
War baahinnad taageera wahaabiyada ee wax ka dhaliyey shabaabka waxaa ka mid ah:
BBC. Laanta afka Soomaaliga.
Idaacadda Shabeelle.
Universal tv.
Hornafrik. iwm.
Waxaa jira kuwa aan awooddoodu buurnayn laakiin taageera Shabaabka iyo dhaq dhaqaaqyada kale ee wahaabiyada sida idaacadda gaalaysiinta iyo qorshaynta dilalka ee shabaabku ku magacabaan Idaacadda QURAANKA ee muqdisho , webset- yada Halgan , All puntland iyo kuwa kale.

Siyaasiinta taageera wahaabiyada.
Waxaa jira siyaasiin soomaaliyed oo taageera weyn ka gaystay taageerada iyo faafitaanka Wahaabiyada , waxaana ka tilmaami karnaa:
C/Qaasin Salaad Xasan , Madaxweynihii hore ee TNG-da , Faroole madax weynaha maamul goboleedka Punt land , Siilaanyo , hoggaamiyaha Xisbiga kulmiye ee s/Land. Cali Khaliif Gallayr. Faarax macallinka kenya, Xasan Abshir iyo kuwa kale.
Qaybahan aan Soo sheegnay
Qaybahan aan soo sheegnay ee isugu jira Wadaaddada ugu caansan wahaabiyada , Ganacsatada , siyaasiinta iyo saxaafadaha taageera wahaabiyada dhammaantood waxay kaalin muuqata iyo mid qarsoon ka gaysteen soo bixitaankii shabaabka , Xisbul Islaam iyo dhammaan kooxaha wax gaalaysiiya.
Kooxahan iyo kuwa la midka ah waxay iska kaashadeen samaynta shorqoolkii lagu diyaariyey awoodda shabaabka ee ay ugu magac dareen:- Midowga Maxaakimta
Magacan ama midowgan maxaakimta waxaan u xushay
1. In la fahmo in magaca maxkamaduhu ahaa fursaddii ugu weynayd ee ay wahaabiyadu ku diyaariyeen awooddooda dagaal , siyaadsadeed , dhaqaale iyo bulsho.
2. Waxay u ahayd istiraatijiya ay dagaal ku geliyeen qabiillooyin , shakhsiyaad iyo ciidan aan u dagaaleen taageerana siiyeen haddii aanay isticmaalin magacan maxkamadaha , ee ay isticmaali lahaayeen magacyadooda caadiga ah sida Al-Itixaad , Al-Ictisaam , Al-Majmac , Al-Islaax , Al-salafia iwm.
Waxay magacaan maxkamadaha u adeegsadeen marin habaabinta iyo khiyaanada shacabka , maadaama aanay lahayn awood ay kaligood ku dagaal galaan.
Maxaakimtu ma jireen haddii aanay haysan ciidankii Shabaabka, Al-shabaab qudhooduna ma jireen haddii aanay isku soo dhex diyaarin wahaabiyadii ku midowday magaca Maxaakimta.
Sidaas owgeed, gumaadka , qaraxyada , khataraha iyo dhammaan tacaddiyada ka yimaada kooxda Al-Shabaab waxaa dusha saaranaya, masuuliyadeedana qaadanaya kooxihii hoggaaminayey maxaakimta iyo kuwii maal geliyey.
Shariiif Sheekh Axmad oo ahaa guddoomiyihii Maxakimta iyo ku xigeennadiisii maxaakimtu wuxay hubkii waawaynaa iyo kii fududaa ee laga qaadayey ganacsatada muqdisho iwm ku wareejiyeen Mukhtaar Rooboow iyo saraakiishii la midka ahaa ee al-shabaab. Weli lama qiran danbiyada , tawbad keenna kama muuqdo hor joogayaalkii Wahaabiyada ee ummadda baday silaca.
Dagaalka iyo is gaalaysiinta kooxahan.
Dadka aan xog ogaalka ahayn ee ka qayliya is gaalaysiinta kooxahan iyo in la gaalaysiiyey wadaadadan ay u yaqaanniin culammada waawayn , ayaa is weydiiya kuna wareersan sababta ay isu gaalaysiiyaan kooxuhu . waa suura gal in jawaabta laga bixiyo su'aashaas ay wax weyn ka tarto qoraalkan lagu tilmaamayo xalka iyo xaqiiqada cilmiga ku dhisan.
Dagaalka iyo is gaalaysiinta u dhexeeya kooxahan wahaabiyada wuxuu ku salaysan yahay dhowr arrimood oo ay ugu horreeyaan :-
1. Waxay kala raacsanyihiin wahaabiyada caalamka oo uu u dhexeeyo khilaaf aad u xoog badan , waxaana ugu waawayn khilaafkaas saddex garab oo kala ah :-
Garabka sheekhyada sacuudiga ee ay hoggaamin jireen Bin Baaz , Cutheymiin C/Casiis Aala sheekh oo hadda u ah wakiilka boqortooyada Sacuudiga. iwm.
Garabka isku magacaabay Salafiyada ee ay kala hoggaamiyaan Rabiic iyo Muqbil.
Iyo garabka Al-Qaacidda ee uu hoggaamiyo Usaama Bin laadin.
2. Hantiilayaasha wahaabiyada ee kala joogta caalamka , laakiin u badan Sacuudiga iyo qaar ka mid ah Khaliijka oo dhaqaala aad u fara badan ku bixiya Wahaabiyada ; sidaas darteed , koox kasta oo ka mid ah firqooyinka soomaalida waxay doonayaan in ay iyagu gacanta ku dhigaan awoodda xarakaatka wahaabiyada si ay u hantaan dhaqaalaha laga qaado hantiilayaasha iyo hay'adohooda ay ku sheegaan khayriga.
3. Qaar ka mid ah kooxahan oo aamminsan in ay gaareen waqtigii ay gooni u istaagi lahaayeen, awooddooda muujin lahaayeen , lana wareegi lahaayeen talada dalka soomaaliya, iyo qaarka kale oo aaminsan in aan heerkaas la gaarin ee lagu dhex dhuunto mujtamaca , lana isticmaalo magaca dawladda , qabiillada , hay'adaha ' ururrada iwm.
4. Dhaqaalaha iyo taageerada laga helo shacabka Soomaaliyeed oo qola kastaa dooneyso in uu iyada ku koobnaado. Tan waxay ka mid tahay arrimaha ama sababaha keenaya iftaha kala geddisan ee ay isku gaalaysiinayaan culammadoodu iyo han jabaadaha ay isugu soo gudbiyaan saxaafadda iyo cajaladaha.
5. Kooxda al-Qaacidda oo aamminsan in Wahaabiyada ama xaraka kasta oo aan iyaga hoos imaaanin ay yihiin murtadiin , ama munaafiqiin surka la goynayo , aysanna mudnayn wax naxariis ah ; oo lagu dilayo meel kasta. waana fikrigan midka ugu dhow afkaartii sheekhii wahaabiyada ee maxammed C/Wahaab.
Haddaba, Haddii ay sidaas yihiin Wahaabiyadu , una kala qaybsan yihiin firqooyinkaas faraha badan , isku haysta danaha shisheeye oo aan gacantooda ku jirin , lagana yaabin in ay ka midoobaan.
Haddii aanay xor ahayn oo laga xukumo , meela kala duwan iskana soo hor jeeda.
Haddii ay caqiiddadoodu ku dhisantahay is gaalaysiin iyo is layn mar kasta oo ay awood u helaan.
Haddii wadaadada hadda la gaalaysiinayo ay eedeen ardadoodii ay bareen takfiirka gaalaysiinta iyo dad dilka.
Haddii wadaadada la gaalaysiiyey ay yihiin kuwa horey u gaalaysiiyey sheekhyadoodii iyo mucallimiintoodii Quraanka soo baray , maxaa hadda loogu barooranayaa oo loogu qayla dhaaminayaa "waxaa la gaalaysiiyey culamma waawayn oo diinta magac ku leh iwm.
maa laga hadlo sidii looga xoroobi lahaa loogana bad baadi lahaa wadaadadan muslimiinta soo gaalaysiisay iyagana ay hadda gaalaysiiyeen ardadadoodu.
ummad kasta oo Ilaahay hibo u siiyo garasho iyo xikmad cilmi ku dhisan , waxay ka faa'iidaystaan marka uu fashalmo shir qoollada lagu hagar daameeyo , waxayna cagta saaraan waddada horumarka iyo bad baadada ; aaway garashadii iyo aqoontii soomaalida , sow lama gaarin waqtigii wax badan la fahmi lahaa , lana xoroobi lahaa ?.
intee la ekaan doontaa khatartu , haddii sidaan loogu af duubnaado wahaabiyadan halista badan , maxaa siiyey fursaddan yaabka badan oo ah : [ in codkoodu noqdo kan keliya ee soomaalida wax u dhaha , wax u ammaana , waxna u caaya , haddii si kale loo qoro in shacabka dhexdiisa laga uun ammaano qofkii ay ammaanaan , lagana caayo qofkii ay caayaan.?
Jawaabtu wey caddahay :
Waxay heleen dhaqaale aad u fara badan oo sababay in codkoodu meel kasta gaaro, lagana faafiyo Idaacadaha maqalka iyo muuqaalka ah , webset-yada , war gaysyada , cajaladaha Guri walba la dhigay , Nadwooyinka dhaqaalaha badan , masaajidda lagu qaato hantida faraha badan , Shirkadaha, Xawaaladaha, Isgaarsiinta , Ganacsiga Iwm.
Arrimhaas waxay sababeen in soomaalidu gacanta u gasho kooxahan diinta ku ganbada , wixii ay ammaanaan ayey la ammaanaan , wixii ay caayaanna wey la caayaan . waxayna ku hadlaan marba wixii looga soo gudbiyo , iyadoo aan laga war qabin xaqiiqada dhabta ah. weliba waxay si caqliga ka baxsan ugu guulaysteen dadka ku nool qurbaha - Yurub Ameerika iwm- .
Sidaas awgeed , Fursadaha ay heleen Wadaaddadan wahaabiaydu ?
waa midda sababtay qal qalka ku dhacay ummadda soomaaliyeed iyo in qof Soomaali ah lagu gawraco meel fagaara ah , iyadoo lagu dhawaaqayo allaahu akbar , Allaahu akbar !!!. .?
Waa midda kalliftey in qof soomaali ah si xaq darra ah oo aan shariicada shuqul ku lahayn dhagax nafta looga bixiyo oo madaxa budo laga dhigo!? Waa midda keentay in wiil dilo aabbihii , hooyadii ama mucallimkiisii Quraanka isagoo dhahaya waxaan dilney gaalo murtaddiin ah , mushrikiin ah , khuraafiyiin ah iwm .
Haddaba , haddii ummadda soomaaliyeed diyaar u tahay in ay ka baxaan hagar daamooyinka iyo shirqoolladaas dibadda laga soo maleegay, haddii ay doonayaan in ay ka baxaan musiibooyinka faraha badan ee ay ka mid tahay dawlad la'aanta , dagaallada , dhaca , diin la'aanta , qaraxyada , Gawraca iwm, ha iska joojiyaan taageerada wadaadada ku shaqeeya fikriga gaalaysiinta , yaanay dhegaysan idaacadaha taageera , ha ka fogaadaan dhegaysiga cajaladaha ay duubeen.
Yaan waxba la oran hayaay iyo waawareey soomaaliyeey ka kacaay mar haddii aan la fahmayn xaqiiqada iyo meesha dhibku ka jiro,
Ha daalinnina , dadkana ha wareerinnina inta kuwii dhibka wadey ay leeyihiin culammadii ayaa la gaalaysiiyey , shacabkuna ay ka daba oranayaan , kuna raacayaan ammaan iyo dacaayad middii ay sheegaan wadaadadaan murugada dhaliyey.
Waxba yaan la furin sawaxan iyo gugac dadka lagu kicinayo oo aan la garanayn cidda lagu kacayo, cidda kicinaysa iyo cidda la raacayo . micna ma samayneyso in aan la iska dhoho "hayaay Soomaaliyeey ka kacaay" , mar kasta waa la oran jirey ka kacaay , waana lagu khasaari jirey . taariikhdu waa ma guurto , waana kaydka garashada iyo aqoontee waxaan soo marnay iyada oo makaroofan cod dheer lagu oranayo :- kacaay , kacaay , Siyaad barre ku kacaay
Waxaad soo joogteen markii la lahaa kacaay , Siyaad barre ku kacaay , waa la kacay , laakiin su'aashu waxay tahay yaa kacay ? , waxaa kacay dad kala ujeeddooyin ah, waxaa kacay qabiil , dulmi , been iwm .
Waxaana dadka kiciyey kooxo toban danleey ah, lagamana war hayn cidda hoos wax ka afuufaysa , waxaana ugu danbeystii gacanta loo galay qab qablayaal aan la mahdin ciribtooda .
Qab qablayaasha ku kacaay Waxaa xigey hayaay kacaay , hoggaamiya kooxeedyada ku kacaay ; waxaa shacabkii kiciyey kuwa ka liita kana danbi badan qab qablayaasha oo ku ganbanaya magaca diinta, waxaan la raacay Khawaarijta Al-Shabaab iyo Xisbiga Xasan Daahir Uweys oo noqdeen hoygii murugada soomaaliya. . ? C/llaahi yuusuf ku kacaay Waxaa ku xigtay hayaaay c/laahi yuusuf ku kacaay , waa la kacay , waa la kiciyey , waxaana booskiisii galay kuwa dhan kasta kaga liita , Buntland iyo inta badan koofur ayuu haystey isagoo gaalo taageerayso. Waxaa beddelay kooxda shariifka oo aan hal xaafad toos u haysan gaalana waardiyeyso. C/llaahi wuxuu dhihi jirey anigu diin ku dhuuman maayo , waxaa beddelay kuwa dawladdii uu ka tegey C/yuusuf ku magacaabay dawlad Islaami ah oo ay waajib tahay adeecitaankoodu , markii horena u yaqaannay gaalo lagu janna tegayo layntooda .
Shabaab-ka ku kacaay
Hadda waxaa billabatay Shabaabka ku kacaay , waa sax waana waajib lagu qasbanyahay in lagu kaco shabaabkan qatarta ah , layskana xoreeyo ; waxaase khalad iyo garasho yari ah in la yiraahdo :- " hayaay kacaay shabaabka ku kaca kuwii shabaabka keenayna Raacaay , shabaab ka daran ha noo keenaane . haddaba taasi maxey dhaantaa ka kacaaydii faraha badnayd ee horey loogu khasaaray? .
Waxaa lagama maarmaan ah , aadna u habboon in aan ka faa'idaysano taariikhda iyo dhacdooyinkii aan soo marnay . waa in aanay na kicin kuwii horey ugu fashilmay kicinta khiyaanada ah , iyo kuwa ku fikriga ah. si taas loo helo waa in aan iska ilaalinno kana foojignaanno
Idaacadaha hadda jira iyo wixii ay taageeraan .
Wadaaddada shabaabka keenay ee dibadda laga maal geliyo iyo wixii ay taageeraan.
Ciddii ay noo buun buuniyaan dawladaha gumaysiga iwm .
Ogaada soomaaliyeey waa nooga daraysaa ka kacaayda aan xaqiiqada ku qotomin . waa in aan baraarugnaa..
Ogaada Soomaaliyeey , waan eedeynaa haddii ay na kiciyaan dad doonaya in aan iyaga raacno iyagoo ah isla kuwii shabaabka sameeyey ee waddaddada u ahaa , oo la hubo in haddii la raaco ay keenayaan kuwa ka khatar badan shabaabka.
Horey ayey wadaadadan aan ka digayno ee wahaabiydu uga qayliyeen Al-Ituxaadkii ay iyagu sameeyeen , waxayna ku beddeleen isla iyagii oo magaca uun laga beddelay , loona bixiyey Al-shabaab iyo Xisbul islaam.
Waxaan ka rajeynayaa aqoonyahamiinta siyaasadda iyo cilmiga bulshada , indheer garadka iyo saraakiisha mutakhasisiinta ah , in mawduucaan xal ifinta ah ay ka sameeyaan sil silad dood cilmiyeed oo wax weyn ka tarta marxalladda murugsan ee ummaddeena daashaday sanadaha faraha badan.

Waxaa Qorey Maqaalkan:
Sheekh C/Rasaaq Yuusuf Aadan
Saadaats@hotmail.com