Towxiid/Caqiido Qur'aan Subac Tafsiir Muxaadarooyin Minhaaj Nabi Amaan Taariikhda Culimada
Barnaamijyada Boggan: Akhbaaro & Maqaalo

Somali and Islamic Links:

This is a mail link:
Fadlan halkan nalaga soo xiriir

ama nurudin1@hotmail.com

Shabaabku Xagey ka keeneen ficiladooda Qalfsan Q7aad


Shabaabku yey uga daysadeen falalka ay sameeynayaan ( Qaybtii 7aad ) { 25 Jan 2010}
waxaa la daabacay Mon 25 Jan 2010 10: 30: 27
Gawraca iyo gummaadkii wahaabiyadu ka gaysteen Magaalada Karbala ee dalka ciraaq 1802-dii .
Dagaalkii ugu naxdinta iyo argagaxa badnaa waxay wahaabiyadu ku qaadeen magaalada KARBALA ee dalka Ciraaq, taariikdu markay ahayd 1216 Hijriyah oo ku beegan 1802 miilaadiya. Wuxuuna dagaalkani dhimashadii Maxammed C/Wahaab ka danbeysey muddo 10 sano ah.
Dagaalkan huwan gaalaysiinta Musliminta iyo dhiig bannaysashada waxaa hoggaaminayey C/Casiis Bin Muxammad Bin sacuud oo ah ardaygii Maxammed C/Wahaab ,oo ku shaqaynayey amarkiisii ahaa in uu la dagaallamo culamma iyo caamma , madax iyo shacab qof kasta oo aan raacin wahaabiayda.
Kitaabbada wahaabiyada oo uu ka mid yahay Cinwaanul Majdi, juska 1-aad, bogga 122. waxay wahaabiyadu ku faaneen sidii ay u laayeen una bililiqaysteen muslimiintii degganayd Magaalada Karbala waxaana hadalladoodii ka mid ahaa :
“ Waxaan weerarnay magaalada Karbala goor barqo ah!!!, waxaana ku gaarnay waqtigii duhurku soo dhowaaday”. Waxaan leynay oo aan baabi'inay inta badan dadkii magaaladaa degganaa, waxaanna ku laynaynay suuqyada iyo guryaha.
Wahaabiyada oo ku faraxsan sidii ay u boobeen ama u bililiqaysteen hantida dadkii ay laayeen ee reer karbala waxay yiraahdeen :
"Waxaan Qaniimaysaney!!! dhamman hantidii taallay magaalada!, sida xoolaha , cuntada , dharka, goglaha, dahabka, fidooyinka iyo hanti kale oo aan lasoo koobi Karin ".
Kitaabkan cinwaanul Majdi isla juskan 1aad bogga 122 waxay ku sheegeen wax aan weligeed laga maqlin qof muslim ah iyo xataa qof gaal ah , waxay yiraahdeen :- “waxaan Qaniimeysanney!! Goglihii Masaajidda yaalley”.
Waxaa taas ka sii yaab badnaa hadalkii ay ku xijiyeen ee ahaa :- “Waxaanu Magaaladda karbala ka Qaniimeysanay kitaabo Quraan oo qaali ah”oo qaali ah!!!.
Haddaba su'aashu waxay tahay :
1. Kooxda shabaabka ee ka hawl gala Soomaaliya , magaalooyin-ka ay qabsadeen ma laayeen dhammaan dadkii degganaa sida ay sameeyeen wahaabiyadii uu madaxda iyo sheekha u aha Maxammed C/Wahaab ?.
2. Shabaabku magaalooyinka ay qabsadeen ma ka bililiqeysteen Goglaha iyo qalabka Masaajidda ka dibna ma ku sheegeen in ay qaniimaysteen qalabkaas beytka alle yaalley sida ay sameeyeen Ciidankii uu taba baray Maxammed C/Wahaab.
3. Shabaabku ma bililiqeysteen Kitaabbadii Quraanka iyagoo ku sheegaya in ay ganiimaysteen ! Yaa weligeed maqlay kitaabba quraan oo la qaniimaystay wahaabiyada horteed.
Haddaba sow ma cadda in shabaabku falalka ay sameynayaan ay uga daysadeen sheekhooda Maxammed C/Wahaab , iyo wadaadadii wahaabiayda ee waddadiisa raacay ; weliba sidaan horeyba u soo sheegnay waxay shabaabku sameeyeen ugu badnaan 60% gaalaysiintii , dailalkii iyo xad gudubyadii uu sameeey sheekhooda Maxammed C/Wahaab iyo wahaabiyadii isaga raacday.
Haddaba, sow xog yari ama is moogeysiin ma aha in eedda la saaro shabaabka fulinaya takfiirkii , muslim gaalaysiintii iyo dhiig daadintii diinta looga dhigay ee ay ka barteen wahaabiayda .
Sow caddaalad darro ma aha in sheekhya laga dhigto wadaaddadii shabaabka baray wahaabiya-nimadan gaalaysiinta dhashay , shabaabkiinna la eedeeyo lagana dhigo dad iyagu bahalnimada kala soo baxay jeebkooda .
Sax ma aha , xaqna ma aha , in ardayda la eedeeyo , mucallimiintii waxa bartayna la ammaano , lana taageero.
Lajnada wacyi gelinta Ahlu sunna Wal-jamaaca.