Towxiid/Caqiido Qur'aan Subac Tafsiir Muxaadarooyin Minhaaj Nabi Amaan Taariikhda Culimada
Barnaamijyada Boggan: Akhbaaro & Maqaalo

Somali and Islamic Links:

This is a mail link:
Fadlan halkan nalaga soo xiriir

ama nurudin1@hotmail.com

Shabaabku Xagey ka keeneen ficiladooda Qalfsan Q6aad


Shabaabku yey uga daysaden falalka ay sameeynayaan ( Qaybtii 6aad ) { 20 Jan 2010}
waxaa la daabacay Wed 20 Jan 2010 14: 29: 27
Sheekha wahaabiyada 27 sano ayuu xasuuqayeymuslimiintii degganayd Gobolka Najdi.
Taariikhdu markay ahayd 1159 Hijriya oo ku began 1746 Miilaadiya. ayuu sheekha wahaabiyada Maxaamad C/Wahaab wuxuu billaabay dagaal uu ku magacaabay jihaaday uuna ku bannaystay dhiigga dadka Muslimiinta ah.
Dagaalkaasi wuxa uu u socday si is daba jog ah ilaa laga gaaro 1187 Hijriya oo ku aaddan 1773M ; waqtigaas oo maxammed C/Wahaab iyo khawaarijtiisii ay qabsadeen magaalada Riyad ee Caasimaddii Gobolka Najdi.
Dagaalkan Wahaabiyadu ku qaadeen gobolka Najdi waxaa maxammed c/wahaab iyo ciidankiisu ku laayeen kumannaan Muslimiin ah oo ay ka mid yihiin Sheekhyadii diinta Islaamka , Mucallimiintii Quraanka , madaxdii dawladda Islaamka iyo shacabkii carabta ee raacsanaa culammada Ahlu sunna wal jamaaca.
Dagaalkii uu Maxammed C/wahaab ku qaaday caasimadda Gobolka ee magaalada Riyaad wuxuu ka mid ahaa dagaaladii ugu qaraaraa uguna muddada dheeraa ee soo mara dadka Muslimiinta ah ; wuxuuna socday muddo 27 sano ah. waxaana amarka dagaalka bixinayey Maxammed C/wahaab , oo uu hoggaamiye dagaal u ahaa Cabdul-casiis bin Maxammed bin Sacuud .
Cabdul Casiis wuxuu xukunka wahaabiyada la wareegay 1179-kii Hijriyada oo ku beegan 1765-tii Miilaadiyada ka dib markii uu dhintay aabbihii Maxammed ibnu Sacuud oo ahaa ninkii ay maxammed C/wahaab ku hishiiyeen dilka , dhaca iyo barakicinta dadka Muslimiinta ah.
Kitaabka ugu caansan taariikhda wahaabiayda Cunwaanul Mjadi ee uu qoray wahaabiga la yiraahdo Ibnu Bishri al-Najdi wuxuu qoray Taariikhda dagaalldii wahaabiyadu ku qaadeen muslimiinta . dagaalladaas uu qoray Ibnu Bishri waxaa ka mid ah dagaalka Riyaad.
Kitaab ka Cunwaanul Majdi Juska 1aad bogga 14aad dhacdadii 1184 –tii Ibnul Bishri isaga oo ku faanaya kana war bixinaya dilalkii , gawracii , boobkii iyo barakicintii ay u geysteen muslimiinta markii ay qabsadeen magaalada Riyaad wuxuu yiri :
"Sarkaal ka mid ah saraakiishii muslimiinta ( Wahaabiyada ) ee qabsatay magaalada Riyaad ayaa yiri" : “ Waxaa cararay raggii iyo haweenkii reer Riyaad, iyagoon qofina qof eegin, waqtigaasina wuxuu ahaa waqti kuleyle ah, waxayna in badan dadkii cararayey u dhinteen baahi iyo oon ( ama harraad ) magaalada Riyaadna waxaa looga cararay xoolo aad u badan oo aan la soo koobi Karin"
Sarkaalka Wahaabiyada oo warbixitiisa sii wata wuxuu yiri,"Markii aan galnay magaalada Riyad, dad yar ayaa ku harsanaa, dadkii cararayna waxaan daba dhignay qaar ka mid ah ciidankeenii, jidka ayeyna ku sii leynayeen kuna qaniimeysanayeen firxadkoodii;
Hoggaamiyihii Ciidankuna wuxuu dhigay guryaha Saraakiil ilaalisa wixii ku jiray dhexdooda. Waxaan hanannay hanti isugu jirta Maal, Hub, Cunto, Alaab iyo waxyaabo kale. Sidoo kale, waxaan gacanta ku dhignay ayey yiraahdeen: “guryihii iyo geed timireedyadii ama beerihii Timirta”.
Maxammed C/wahaab sida uu xalaalaystay daadinta dhiigga Muslimiinta ayuu u xalaalaystay dhaca Xoolaha Muslimiinta sida ku cad kitaabbada ay iyagu gacantooda ku qoreen .
Sida kitaabkooda Cunwaanul Majdi juska 1aad bogga 15-aad, oo ay ku qoreen : “ waxaa Sh. Muxamad Cabdil-Wahaab lagu lahaa Deyn dhan 40,000 oo lacagtii reer Najdi ah, wuxuuna daynatas isaga bixiyey xoolihii laga soo qaniimeystay magaalada Riyaad!!!.
Qaniima waxaa la yiraahdaa xoolaha laga qaato gaalada xarbiyiinta ah ee la dagaallanta Muslimiinta , laakiin maxammed C/wahaab iyo kooxdiisu waxay qaniima ku sheegeen hantidii iyo Xoolihii ay ka dheceen Muslimiinta maadaama ay gaala u aqaanniin Muslimiinta .
• Sheekha wahaabiyadu Jihaad ayuu ku magacaabay dagaalka , dilalka iyo xasuuqa ay u gaystaan muslimiinta .
• Qaniima ayuu ku magacaabay hantida iyo xoolaha ay ka dhacaan muslimiinta ay laayeen . dhammaan arrimahan iyo kuwa la midka ah , waxay wahaabiyada u yihiin falal diin ah oo ay u arkaan in ay waajib ku tahay ku dhaqan keedu .
Arrimahan waxay caddaynayaan in dhammaan falalka shabaabku ka sameynayaan dalka soomaaliya ay yihiin wixii diinta looga dhigay oo ay uga daysadeen kana barteen sheekhyadooda wahaabiyada. Weliba shabaabku 40% ma sameyn tacaddiyadii uu sameeyey Maxammed C/wahaab iyo wahaabiyadii ciidanka u ahayd . Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa :
1. Maxammed C/Wahaab iyo ciidankiisii wahaabiyadu waxay dagaalka Riyaad ku laayeen dhammaan dadkii aan wahaabiyada ahayn , intii ka bad baaday xasuuqooda waxay qasab kaga dhigeen in ay ka cararaan guryahooda , markii ay carareenna ka ma harine waxay ka daba direen ciidan jidka ku sii xasuuqa muslimiintii ka baxsatay dagaallada. Waxayna ka dhacayeen hantidii iyo raashinkii yaraa ee ay la baxsadeen .
2. Waxay la wareegeen guryihii iyo beerihii ay lahaayeen dadka muslimiinta ah ee ay guryohooda ka qaxiyeen , waxay ku magacaabeen , weyna dilayeen qofkii ka hadla xuquuqdiisa iyo xuquuqda muslimiinta .
3. Xoolihii ay muslimiinta ka dheceen ayey ku magacaabeen qaniima waxayna qirteen in sheekhooda maxamed C/wahaaab uu dayntii lagu lahaa isaga bixiyey xoolahii ay ka dhaceen muslimiinta .
Sida la ogsoonyahay Shabaabka wahaabiyada ee ka dagaallama Soomaaliya weli ma gaarin xad gudubkoodu heerka uu gaaray xad gudubka sheekhooda maxammed C/Wahaab ; taas macnaheedu ma aha in ay ka xishoodeen , laakiin weli duruufta iyo awoodda ayaan u saamixin in ay ilaa heerkaas gaarsiiyaan xadgudubyada.
Sidaas darteed falalka ay sameynayaan shabaabku waa falal diin looga dhigey oo ay uga daysadeen sheekhyadooda wahaabiayda , mana aha in la eedeeyo Shabaabka oo qura iyadoo ay joogaan wadaadda Soomaali ah oo weli faafinaya fikraddii wahaabiyada ee ku dhisnayd gaalaysiinta iyo bannaysashada dhiigga Muslimiinta.
Waa socotaa ----