Towxiid/Caqiido Qur'aan Subac Tafsiir Muxaadarooyin Minhaaj Nabi Amaan Taariikhda Culimada
Barnaamijyada Boggan: Akhbaaro & Maqaalo

Somali and Islamic Links:

This is a mail link:
Fadlan halkan nalaga soo xiriir

ama nurudin1@hotmail.com

Shabaabku Xagey ka keeneen ficiladooda Qalfsan Q4aad


Shabaabku yey uga daysadeen falalka ay samaynayaan (Qeybtii 4-aad) { 24 Dec 2009}
waxaa la daabacay Thu 24 Dec 2009 06: 29: 50
Marka aad eegto qoraalladii aan soo ogaannay ee ku yaallay kitaabbada wahaabiyada oo weliba aan soo qaadannay kuwa ugu caansan kitaabbadooda iyo hababka kala geddisan ee ay u gaalaysiiyaan muslimiinta, waxaa kuu caddaanaya in Wahaabiyadu gaala ku xukumeen muslimiinta oo dhan, laakiin ay ka cabsadeen in ay si toos ah afka uga dhahaan, Muslimiinta oo dhan waa gaalo.
Sida aan ku soo ogaannay hadalladooda, Qoraalladooda iyo Iftahooda, waxay mushrikiin gaalo ah, ku sheegeen culammadii iyo Asharaaftii, degganayd maka iyo madiina. Waxay intaa raaciyen inuu gaal yahay, qofkii aan gaal ku xukumin dadkaas oo culamma iyo caammaba leh, madax iyo shacab leh.
Taas macnaheedu wuxuu noqonayaa, muslimiinta oo dhan waa gaalo, waayo, ma jiro qof gaal u yaqan ama gaalnimo ku xukamaya muslimiintii deganayd maka iyo madiina iyo culammadooda.
Waxaan soo ogaannay soona sheegay kitaabada qoraya iyo bogagga ay kaga qorantahay in wahaabiyadu iftoodeen, oo mushrikiin ku sheegeen muslimiinta deggan Masar, Ciraaq, Shaam, Yaman, Turki iyo dhammaan inta aan qaadan - waxa ay ku sheegeen - 'diinta uu u istaagay Maxamed C/wahaab'. Hadalkanna wuxuu la mid yahay kii ka horeeyey, waana gaalaysiin muslimiinta oo dhan.
Waxaan soo ogannay in ay iftoodeen, in fiqhiga Islaamku yahay shirki, - markaas fuqahadu waxay noqonayaan mushrikiin, wuxuuna Maxamed C/wahaab iftooday, inuu mushrik yahay qofkii aan mushrikiinta gaalo u aqoonsan. Sidaasna waxay ku gaalaysiiyeen muslimiinta oo dhan. waayo weligeed ma dhicin in shirki lagu sheego Cilmga Fiqhiga.
Waxay gaala ku sheegeen, culammada Usuusha' ee Ashcariya iyo Maaturiidiya. Imaamyaalka raacsan afarta madhab, iyo dhammaan muslimiinta haysata madaahibta. Su’aashu waxay tahay, imisa qof ayaa muslimiinta u soo hareysa, haddii la gaalaysiiyo inta raacsan madaahibta???.
Waxay iftoodeen in muslimiinta, inta badan ay mushrikiin yihiin. Inay mushrikiin noqdeen muslimiintii ka danbeyse 3-dii qarni ee ugu horreysey Islaamka. In ay gaalo tahay dawladdii Islaamka, ee Cuthmaaniyada, uuna gaal yahay qofkii aan gaalnimo ku xukumin.
Waxay gaalaysiiyeen Culammada suufiyada. Waxay iftoodeen, in uu gaal yahay qofkii, aan aabbayaashiis iyo awoowayaashiis gaal u aqoonsan haddii aanu qaadan tawxiidka , oo sida aad soo ogaateen ay uga jeedaan haddii aanay wahaabiya noqon.
Xaqiiqadu way caddahay, fikriga iyo caqiiddada wahaabiyadu, waxay gaala u yaqaaniin, qof kasta oo muslim ah, oo aan iyaga raacin iyaguna marka danbe ayey qof qof iyo koox koox isugu gaalnima xukumaan. Sidaas wageed ma jiro qof ka bad baadayo takfiirka ama gaalaysiinta wahaabiyada.
Marka la eego xukunka saxda ah ee diiniga ah ee kooxdani yeelanayso waxay noqnayaan Qullaatul Khawaarij, oo ah khawaarijta midda ugu fog ee riddada ku dhacday.
Wax macna ah ma samaynayso, in ay qaar ka mid ah wahaabiyada ay afka uun ka dhahaan, ma aaminsanin fikradda takfiirka, muslimiintana ma gaalaysiinno.
qofka waxaa taas waxaa laga aqbalayaa marka uu si toos ah u yiraahdo wahaabiyada waa baadil ka soo hor jeeda diinta islaamka waana ka toobad keenay oo shuruudihii laga wada helo.
Laakiin in ay si dhagar ah u eedeeyaan qayb ka mid ah wahaabiyadu marka dadku arkaan oo ay yiraahdaan annagu takfiir ma nihin shariicada Isaamku ma oggola in laga runsado , waayo shuruudihii ayaa maqan.
Waxa kale oo beeninaya In ay yiraahdaan Takfiir ma nihin dadka ma gaalaysiinno IWM xaqiiqada ku qoran kitaabbadooda, iyo ficillada ay sameeyaan , siba meesha ay xoogga ku leeyihiin.
Haddaba waxaa is weydiin mudan, muxuu noqonayaa masiirkooda adduun iyo aakhiro, ummad ay culamma u yihiin wahaabiyada waxaas aaminsan?.
Maxaa loo eedaynayaa kooxda shabaabka?, haddii aan la diidayn, oo aan la iska difaacayn, fikrka wahaabiga ah, ee ay ka dhasheen gacan ku dhiiglayaasha Al-Shabaab!?.
Su’aasha la waydiinayo culammada waxay tahay, "firqadii khawaarijtu ma gaarsiiyeen gaalaysiinta, heerka ay gaarsiiyeen wahaabiyadu?" Sow xaqiiqooyinkan kuma cadda, in ay wahaabiyadu yihiin 'Qullaatul Khawaarij', oo ay Ijmaac tahay, in ay diinta ka baxeen?.
Sayid cali Ibnu Abii Daalib RC Allaha ka raalli noqdee isagoo fulinaya amarka Rasuulka CSWS, wuxuu la dagaallamay kooxihii muslimiinta ku sheegay gaalada, weliba wuxuu joojiyey dagaalkii uu ku qaadayey gaalada, si muslimiinta looga badbaadiyo cadawga gudaha.
qofkii ka run sheegaya in uu ka soo horjeedo Shabbabka khawaarijta ah ha raaco saxaabada Rasuulka CSW oo ha ula dagaallamo sidii uu ula daaallamay Sayid Cali Ibnu abii daalib iyo saxaabadii la jirtey RCm.
Rasuulka wuxuu amray in khawaarijta lagu laayo meel kasta oo lagu arko, uuna jannada gelayo qofkii khawaarijtu dila ama iyagu dilaan.
Axaadiista Rasuulka CSW ee amraya in lala dagaallamo khawaarijta waxaa qoraya Saxiixul Bukhaari, Saxiixul Muslim , sunanka 4-ta ah iyo dhammaan ku tubta ugu waawayn ee axaadiista Rasuulka CSWS.
Waxaa xaqiiqa ah in aan laga baxayn marxaladda dugaagnimada ah ee maanta ka jirta dalka Soomaaliya haddii aanna afka iyo addinkaba lagala dagaallamin.
Waa socotaa------