![]() |
![]() |
![]() |
| Towxiid/Caqiido | Qur'aan | Subac | Tafsiir | Muxaadarooyin | Minhaaj | Nabi Amaan | Taariikhda Culimada |
|---|
| Barnaamijyada Boggan: | Akhbaaro & Maqaalo |
|---|---|
|
Somali and Islamic Links:
This is a mail link:
|
Shabaabku Xagey ka keeneen ficiladooda Qalfsan Q3aad Shabaabku yey uga daysadeen falalka ay samaynayaan (Qeybtii 3-aad) { 18 Dec 2009} waxaa la daabacay Fri 18 Dec 2009 22: 29: 24 Marka la eego taariikhda iyo qoraalladii aan soo marnay Waxaad ogaanaysaa in kooxaha loo yaqaan Shabaab , Xisbul-Islaam oo horey u ahaan jirey Takfiir, Al-Itixaad iwm ay xaqiiqa tahay in ay falalka cajiibka ah ee ay samaynayaan uu yahay caqiiddadii ama fikirkii Muxammad C/Wahaab iyo wahaabiyada . Weliba waxaa la oran karaa in yar ayey Shabaabku kaga dhaqmeen ama ka fuliyeen dhaqankii sheekhooda Maxamed C/wahaab, ee ku dhisnaa gaalaysiinta muslimiinta iyo bannaysashada dhiiggooda. Arrintaas waa xaqiiqa cad , waxaana marqaati ugu filan, kitaabbada uu qoray Maxamed C/wahaab naftiisa iyo wadaadadii wahaabiyada ee raacay waddadiisa. Dad badan ayaanay ku fududayn in ay runsadaan In falalka argagaxa leh ee shabaabku samaynayaan uu yahaya dhaqan uu horey u sameeyey Maxammed c/Wahaab , ayna raaceen wahaabiyadiisu . Laakiin waxaa la oran karaa dadkaasi waa iska taageereen mooyee wax yarna kama oga taariikhda maxammd C/Wahaab iyo Wahaabiyadiisa, xaqiiqa waxaa ugu filan qoraalladii hore ee mowduucan haddiise aan sii wadno Waxaan tusaalaha ugu horeeya ka dhigaynaa kitaabbadooda ay iyagu sida gaarka ah u leeyihiin kuna faanaan Kitaabbada waxaan ugu hor marinaynaa kitaabka 'Al-dururu saniyah', Sababta aan kitaabkan u duurtay waxay tahay lama oran karo waa hal kitaab waayo wuxuu uruuriyey inta badan kitaabbadii uu qoray Med C/Wahaab iyo kitaabbada ugu caansan ee ay qoreen sheekhyada Wahaabiyada ugu waawayn . Waa kitaab ay aad ugu kalsoon yihiin wahaabiyadu, oo aanay ka doodi Karin waxa ku qoran . Wuxuu ka mid ayhay kitaabbada ugu kulminta badan caqiiddada iyo afkaarta wahaabiyada , hadduusanba ahayn kan ugu kulminta badan, qoraallada Maxamed M/wahaab iyo sheekhyada ugu waawayn wahaabiyada. kitaabkan waxaa lagu magacaabaa "Al-Duraru saniyah fil–ajwubati Najdiyah', waxaaanna soo xiganaynaa dabcadiisa 6aad. Kitaabkan waxaa kulmiyey C/Raxmaan Maxamed Qaasim Al-Najdi, oo ka mid ah ragga qoray kitaabbada ugu waawayn maraajicda wahaabiyada. Qoraaga kitaabkan wuxuu sheegay in kitaabkani uu kulminayo, Risaalooyin iyo maasaa'ishii, culammada reer Najdi ee caanka ah (wahaabiya), laga billaabo waqtigii Maxamed C/wahaab, ilaa waqtiga qoraaga oo dhintay 1392 hijriya, oo ku began toddobaatameeyadii miilaadiyada. Kitaabkan wuxuu ka mid ahaa, duruusta maaalinlaha ah oo maalin kasta aqrin jirey Sheekhii wahaabiyada C/Casiis Bin Baaz. Taas waxay ku tusaysaa, muhimmadda kitaabkani u leeyahay sheekhyada al-shabaabka ee wahaabiyada ah. Isla kitaabkan juskiisa 9aad bogga 86, iyo juska 10-aad bogga 291, wuxuu Maxamed C/Wahaab ku sheegay in muslimiinta deggan magaalada Makah, ay yihiin Gaalo!!!, ayna la mid yihiin kufaartii reer Quraysh, ee mushrikiinta ahaa. Kitaabku wuxuu intaas sii raacsiiyey, in uu gaal yahay qofkii aan gaal ku sheegin, muslimiintii reer Makah. Isla kitaabkan juska 9aad bogga 285, wuxuu kutubta wahaabiyada ka soo xigtay, in ay gaalo yihiin muslimiinta deggan makah iyo Madiina, ayna diideen inay qaataan diinta!!! (Wahaabiyada). kitaabka juskiisa 1-aad bogga 380 iyo 385, waxay ku qoreen wahaabiyadu, in ay gaalo yihiin muslimiinta deggan Makah, Madiina, Masar, Shaam - Suuriyah, Lubnaan iyo Falastiin - Yaman, Ciraaq iyo Turki. Waxay wahaabiyadu iftoodeen, in reer Makah iyo reer madiina, ay ahaayeen gaalo, dhiiggoodu bannaan yahay. Hadalladaasi waxay ahaayeen intaan wahaabiyadu qabsan Maka iyo Madiina. wahaabiyada waxaa ku gacansiiyey, qabsashada dhulka barakaysan, dawladda Ingiriiska. Wadaaddada wahaabiyadu waxay kaloo iftoodeen, in ay gaalo yihiin, dhammaan dadka deggan, magaalooyinka muslimiinta, ee aan hoos iman maamulka reer Sacuudi. Sida ku qoran Kitaabka 'Al-duraru saniyah' juska 1aad bogga 1, 314 & 317. Waxay intaas raaciyeen, in ay gaalo yihiin dhammaan waddammada iyo magaalooyinka, aan raacin diinta uu u istaagay Maxammed C/Wahaab, dadkana uu ugu yeeray: Imaam Sacuud bin C/casiis Aala Sacuud!!!, oo ay sheegeen inay waajib ku tahay ibnu Sacuud, inuu jihaad ku qaado, lana dagaallamo magaalooyinka oo dhan, ilaa ay tawbad keenaan oo ay muslimaan!!! Hadalkaan yaabka leh, waxay wahaabiyadu ku caddeeyeen, in uu gaal yahay qofkii aan hoos tegin maamulka sacuudiga, waxaa ka sii yaab badan, in qabsashadii wahaabiyadu ay qabsadeen magaalada makah, ay ku magacaabeen 'Fatxu Makah'!!!. Diinta Islaamku waxay 'Fatxu Makah' u taqaan, maalintii Rasuulku CSWS, uu Makah ka furtay gaaladii reer Qureysh. Hadalladaan sheekhyada wahaabiyadu, ku qoreen kitaabbadooda, waxay caddeynayaan in ay gaala u yaqaanniin, dhammaan muslimiinta aan raacin Maxamed C/wahaab iyo Sacuudiga. kitaabka Durarka 10/113-1114, 8/117, 118, 119, 9/2, 338 waxay ku qoreen Maxamed C/wahaab oo iftooday, in ay reer miyigu yihiin, gaalo ka gaalaysan Yahuudda iyo Kiristaanka, si kastoo ay ugu dhawaaqaan tawxiidka. Maxamed C/wahaab wuxuu iftooday, in fiqhigu gaalnima yahay, wuxuu yiri Ilaahay ayaa fiqhiga ku magacaabay Shirki!!!, Ka fiiri Durarka, juska 2aad bogga 59aad. Hadalkan riddada iyo diin ka baxa ah, ee uu ku hadlay Maxamed C/wahaab, waxaa kitaabbada wahaabiyada, ee qoraya ka mid ah: 'Al-Risaa’ilu shakhsiyah', oo uu qoray isla Maxamed C/wahaab iyo 'Taariikhu Najdi'. Waxay jawaabeen wahaabiyadu, in ay gaalo yihiin Ashcariyada iyo Maaturiiddiyadu, ka fiiri Durarka 10/430, 1/364, 362, 324, 320, 312, waxaana la ogyahay in Ashcariya iyo Maaturiidiya ay yihiin, imaamyaalka ugu faraha badan ee culammada: Tafsiirka, Xufaadda Axaadiista, Imaamyaalka fiqhiga, usuusha iyo dhammaan Culuumta diinta Islaamka. Waxay qoreen in ay gaalo yihiin, dadka haysta afarta Mad’hab. Ka fiiri: 'Taxkiimu-naadir', Axmad Saalax iyo Bin Baaz, bogga 154, 'Xayaatul quluub' bogga 55, Sitatul Usuulil Cadiimah, bogga 2aad, asalkiisa lixaad, iyo kuwa kale oo aad u badan. Waxaa la ogayahay in xaqnimada afarta Mad’hab, ay ku midaysan yihiin dhammaan muslimiinta ahlul xaqa ah ee 'Ahlu sunna wal-jamaacah'. Waa socotaa waxaa diyaariyey lajnada Ahlusunna wal-jamaaca. ahlusunna.org |