Towxiid/Caqiido Qur'aan Subac Tafsiir Muxaadarooyin Minhaaj Nabi Amaan Taariikhda Culimada
Barnaamijyada Boggan: Akhbaaro & Maqaalo

Somali and Islamic Links:

This is a mail link:
Fadlan halkan nalaga soo xiriir

ama nurudin1@hotmail.com

Tawxiidka sedexda ah ee ilma cabdiwahaab(wahaabiyada). Islaamku muxuu kaqabaa?


1:28 PM 16/01/2010
Bismilaah Wabihi Nastaciin ..Wacalyhi Natawakal.
Ilaahbaa mahad leh allahaasoo abuuray koonka oo idil islamarkaana ah rabbiga xaqa loo caabudo..oo an jirin wax ekaankiisa ah, waxna aan lagu shabbihi karin, jismina aan loo yeeli karin, xubnana aan loo yeeli karin. Nabi Muxammed nabad iyo naxariis korkiisa allaha ka yeelo iyo intii rumeysey isaga oo raacdey jidkiisii wacnaa. Aamiin. Intaas kadib:
TOWXIIDKA ilma cabdi wahaab ee sedexda ay u qeybsheen ee kala ah
1-Towxiid al-ilaahiya
2-Towxiid al-rabuubiyah iyo
3-Towxiid al-asmaa wasifaat. Ma wax diintu qabtaa ?!! jawaabtu waa MAYA . kabogo hoos!
Marka ugu horeysa, towxiid micnahiisu waa qirid laqiro keli ahaanshaha ilaah ama rabbi, sharci ahaan-na waa in qofku qiro in aanu jirin ilaah aan ka aheyn alle mooyee ee xaq ahaan loo caabudo iyo in nabi maxamedna yahay rasuulkii ilaah .
1-Waxaana taa inoo caddeynaya xadiithka bukhaari ee kusoo arooray saxiixiisa oo ay soo wariyeen 16 ka nin ee saxaabiga ah oo ay ku jiraan tobankii nin ee loogu bishaareeyey janada iyaga oo nool.waana xadiith mutawaatir ah oo saxiix ah in nabigu yiri xadiis macanihiisu sidan yahay:-( waxaa lay amray in aan dadka kula dagaalamo illaa ay ka qirahayaan inaanu ilaah jirin ,Allah mooyee, ilaaha xaqa lagu caabudo,
iyo in aan anigu ahay rasuulkii ilaahey soo dirsadey)".
Eeg halkaa nabigu (SCW) ma aanu oran sedex towxiidbaa lay faray oo kaliyah nabigu waxaa uu cadeeyey in lagu sugnaado kalli ahaanshaha ilaahey oo la rumeeyo iyo rasuulkiisa nabi Muxamed...waa inta aanu unaqaan shahaadateynka.
Waxaan shaki ku jirin qofkii aaminaa in sedex towxiid ay jiraan uu alle iyo rasuulkiisa ku caasiyey diina aanuba heysan. Bal eeg suratu (Yusuf) aayadda (39 aad) marka uu lahadlaayo nabi yuusuf labada nin ee gaalada ah ee aan qirsaneyn kelli ahaanshaha ilaahey ee uu rabo in uu baro towxiidka ama faro waxaa uu ilaah kitaabkiisa ku yiri sidatan:- ( يَـٰصَٮٰحِبَىِ ٱلسِّجۡنِ ءَأَرۡبَابٌ۬ مُّتَفَرِّقُونَ خَيۡرٌ أَمِ ٱللَّهُ ٱلۡوَٲحِدُ ٱلۡقَهَّارُ ) oo ah micnaha sidatan" ma RABIYAAL kala duwan baa kheyr ah oo wacan mise ILAAHA kaliyah ee wax hantiya"
2- Bal eeg RABBI iyo ILAAH maba lakala qaadin sida kitaabka ku xusan sidoo kale halkaa waxaan kafahmeynaa oo kale in nabiyada oo dhan
ay ahaayen ahlu-towxiid oo ay dadka fari jireen keli ahaanshaha ilaah iyo kan rabbi.
Wahaabiyada dadka gaaleysiiyaa ee ah kuwa diida tawasulka ee hadana ah mushabhada ilaah jismiga uyeela waxaa ay ula jeedan qeybintooda ay towxiidka saa uqeybsheen waxaa ay qabaan in towxiidka al-aluuhiyah(ilaah) qofkii qiraa aysan taasi oo kaliyah islaam-nimadiisa dhameystirmeyn ee looga baahanyahay haddana in uu layimaado towxiidka RABUUBIYADA (rabbi) oo waxaa ay ku leeyihiin sidatan;-
gaaladaba kaa waa ay yaqaaniin iyagoo markaasi soo daliishada aayadda qur,aanka ah:-(wala in sa,altahaum man khalaqa al-samaawaati wal-arda layaquullanna allaah) "haddaad weydiiso gaalada oo aad tiraahdo yaa abuuray samooyinka iyo dhulka waxey Oran ilaah"
laakiin waxeynan ogeen Wahaabiyada in gaalada aaney qirsaneyn keli ahaanshaha ilaah. Sheegashadooda in ay ilaah aaminsanyihiina ayba tahay afka baarkiis; sidaasi daraadeed ay saa ilaah ugu caasiyeen ..saana ay ku naar tagayaan ayna markaa naarta ku waarayan gaaladu.
3- ba eeg aayada 101 aad ee suuratul (Huud) marka uu ilaah inoo sheegahayo isagoo caddeynahaya in gaaladu aaney ilaah keli ahaanshihiisa eyan heysanin ilaah waxaa uu yiri oo micnaha ah :( ma aynaan dulmin,hayeeshee iyagaa naftooda dulmiyey,waxna matarin ILAAHYADOODII ay u yeeran jireen ILAAH kasokoow,goortii uu yimi amarka RABIGAA uma eyan kordhin iyaga waxaan baa-ba,a aheyn)
Halkaana waxaa inoogu cad in ay gaaladu ILAAH aysan aqoonsaneyn waayo wadaag bey lasameeyeen halkaana uu ku dhacay amarka RABBIGA ilaahey saana ay ku naar tageen.
Hadaba ILAAH iyo RABBI quraankiisa ilaah kuma kala sarin ee wahaabiyada iyagaa bidco nimo layimi iyagaana kalasaarey ILAAH iyo RABBI waxaana la oran karaa waa ducaadda al-baabada jahannamo dadka ugu yeerahay waayo waxey aamineen waxaan ilaah kitaabkiisa kasoo aroorin nabigana uusan inoo sheegin asxaabtiina aan laga soo gaarin salafkiina aanu ogolaan waxaana ay si bareer ah uga horyimaadeen intaas aan sheegay iyo waliba ijmaaca umadda islaamka oo dhan .
4 - Waxaa uu inoo sheegay nabiga in qof kastaa marka uu dhinto oo godka lagasho oo laga soo dareero qabriga in ay laba malak qofku u imaanayaan oo laweydiinayo qofka sedex su,aalood( man rabuka? wamaa diinuka? wamaa nabiyuka?) jawaabta qofka mu,minka ah ay tahay (ALLAAHU RABII wanabiyii muxammad wadiinii al-islaam) bal eeg miyaa halakana laka saaray RABBI iyo ILAAH waatan qofka mu,minka ahi oranayo RABIGEYGU waa ILAAH !! bal ma la is weydiiyey sababta loo yiri qofka (man RABBUKA) oo loo oran waayey maa (ILAAHUKA)?!!
qofkuse muxuu u leeyahay ALLAHU RABBII ? halkaa waxaa ka cad in laynugu tacliiminaayo in qofkii aan ahlutowxiid aheyn ee an qirin taa (shahaadateynka uu ciqaabta ilaah ku ridahayo..ilaah taa ha innaga najeeyee.
Ulajeedada ugu weyn ee loo sameeyey towxiidkaan sedexda ah waa gaaleysiin lagu gaaleysiiinahayo muslimiinta ahlu towxiidka ah ee ku tawasula anbiyada iyo sulaxada. Ninkii ugu horeeyey ee waxakan bidcada ahna keena waxaa uu ahaa ibn-taymiyah al-xarraani ee qarnigii 8 aad hijriyada cid hortii muslimiinta saa yirina majirin. Waana meesha ay kaga deydaan wahaabiyada ninkaas illeyn sheydaan- sheydaankiisuu raacaa!!
Waxaana ay taariikhdu ka qortey ninkas iyo culimada islaamka waqtigiisii sidey uraddiyeen waa wax lawada ogyahay. Ninkaas isaga ah aakhirkii xabsigaa la dhigay isagoo lagu xakumay xabsi da,im ah sanadii 725 tii hijriyada waxaana xukunkiisa riday afar qaadi(xukaam) oo ka kala socota afarta mad-habadood labasano kadibna xabsiguu ku dhintey ..meeshuna waxaa ay aheyd dimishiq/suuriya dunida islaamkana xiligaa waxaa xukumaayey boqor caadil ah oo islaam-nimo dadka ku xukumi jiray waxaana la oran jiray ibn qalaawuun. Hadalkaasna waxaa qorahaya isaga ardeygiisii al-kutubi ka eeg kitaabkiisa loo yaqaan (fii cuyuun al -taariikh).
Ugudanbeyntii, waxaanu fareynaa dhammaan muslimiinta oo dhan gar ahaan-na soomaalida inaan laqaadan afkaarta sumeysan ee wahaabiyada marka koowad. Marka xigtana diinta islaamka labartaa waayo qofkaan diinta baran si fudud baa loo leexsan karaa waxa ugu weyn ee qofka muslimka ahi laga doonahayaa in uu barto waa caqiidadiisa oo taa hadey kaa qaldantahay oo aadanba baran ilaaha aad caabudeysaayi ansixiba meyso cibaadadaada oo dhan. Waayo sidaasi waxaa inoo shegay culumada islaamka waa kan oranaya imaam al-shaafici " anigu kan waa towxiidkee waxaan bartey intaanan baran waxkaleetaba" .
Sidasi daradeed waa wax muhiim ah hor iyo horaan in labarto isaga. Kadibna loo gudbo barashada islaamka sida cibaadaadka iyo dhahaarada hadana zakada hadana mucaamilaadka hadana hajka iyo ziyaarada nabiga markaa kadib labartaa cilmiga luqadda (naxwaha-iyo balaaqada) Markaa kadib na labartaa axaadiithta iyo tafsiirka qur,aanka...habkaas isku xig-xiga ah baa cilmiga lagu gaari jiray yoolka looga gol leeyahay culuunta islaamka. Saaseyna wada ahaayeen culimadeenii suubaneyd ee ahlusunna waljamaacah...ee diinta laga soo gaaray.
Ilaah ha ina waafajiyo kheyrka kuwii barta oo ku camal fala ilaah ha inaga yeelo aamiin.
Ustaad/Osman S.Hersi
Cols/Ohio-U.S.A
cismaaneey@live.com