Towxiid/Caqiido Qur'aan Subac Tafsiir Muxaadarooyin Minhaaj Nabi Amaan Taariikhda Culimada
Barnaamijyada Boggan: Akhbaaro & Maqaalo

Somali and Islamic Links:

This is a mail link:
Fadlan halkan nalaga soo xiriir

ama nurudin1@hotmail.com

Xaalada dhabta ah ee Laga helayo goobaha uu dagaalku ka socdo ee Galgaduud


WAR DAG DAG AH .... XAALADA DHABTA AH EE LAGA HELAYO GOOBAHA UU DAGAALKU KA SOCDO EE GALGADUUD.
War dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan halka uu dagaalku ka socdo iyo waliba sida uu u bilwday dagaalka baaxada weyn ee maanta ka qarxay tuulooyin ka tirsan degmada ceelbuur oo saldhig u ah xoogaga alshabaab iyo xisbul islaam .

Dagaalka ayaa wararku tibaaxayaan in uu bilawday kadib markii ay weerar madaafiic ku bilawday soo qaadeen alshabaab iyo xisbul islaam kuna soo qaadeen deegaanka warxoolo oo saldhig u ah ciidamadaa qalabka sida ee culumaaudiinka ahlusunna wlajamaacah .

dagaalka oo soconayey daqiiqado yar kadib ayaa waxaaa ahlusunna ciidamadeedii u sahlanaatay in ay ku ku sii siqaan deegaanka wabxo ee xigta dhanka ceelbuur waxaana wararkii ugu danbeeyey sheegayaan in ciidamadii weerarka ku soo qaday warxoolo ee alshabaab iyo xisbigu ay difaac ka galeen ceelbuur , lamana oga in ay ciidamada culumaaudiinka ahlusunna wlajamaacah howlgalka dhinaca lugta ah ay sii wadayaan inta ay ka tagayaan ceelbuur .

Dhanka kale waxaa dagaal faraha looga gubtay uu ka dhacay tuulo lagu magacaabo COWSWEYN oo katirsan dagmada ceelbuur , tuuladaas waxaa sidoo kale gacanta ku hayey Ahlusunna wlajamaacah ,waxaa weerar ku sooo qaday alshabaab iyo xisbul islaam balse wararku sida ay tibaaxayaan ciidamadii weerarka soo qaaday in laacibay oo ay kulaabteen ceelbuur ayadoo warar aan la xaqiijin sheegayaan in gaari tikniko ah laga gubay alshabaab iyo xisbul islaam , hubka fududna laga furtay , dagaalkaas ka dhacay cowsweyn hada waa yara qaboobay balse waxaa lagu soo waraamayaa in labada dhinac gurmad isku aruursanayaan lagana yaabo in markale dagaal uu dhaco .

Dhinaca kale hadaan fiirinno dhanka gobolka hiiraan , gaar ahaan baladweyne uu dagallo ku so noqnoqdeen ayaa hatan wararka laga helayo saraakiil ka tirsan kuwa ciidamadaa ahlusunna ay tibaaxayaan in ciidamada ahalusunna wlajamaaacah ugu yaraan 3 jiho ay magaalada korfadhiyaan isla markaasna ay saacadaha soo socdo weerar rogaal celis ah ay ku qabsanayaan baladweyn iyo dagmooyin ku dhawdhaw .

Dadka isticmaala wada dheer ee ka timaada gobolka galgaduud ee gasha gobolka hiiraan ayaa sheegaya in ay xalay arkayeen ugu yaraan 9 gawaarida dagaalka ah oo culumaaudiinka ahlusunna wlajamaacah leeyihiin oo kuwajahan magaalada baladweyn .

Hadaba markaad fiirinno qaabka uu hada dagaalka uga socdo galgaduud iyo hiiraan milatary ahaan waxaa saraakiishu sheegayaan in liigmo O ah ama isku weer ah ay ku jiraan ciidmaada alshabaab iyo xisbul islaam siiba kuwooda ku sugan dgmada ceelbuur , waxaa dhici karta saacadaha nagu soo adan in ciidamadaa ahlusunna u suura gasho in ay la wareegaan ceelbuur iyo baladweyn , balse warjiraaba cakaaruu iman .

Ugu danbayntii deegaanada lagu dirirayo shacabkii daganaa ayaa dhibaato xoogani laoso daristay ayagoo aan ogayn halka ay ka helayaan nafta meel ay kula gabadaan maadaama dhulka lagu dirirayo ay abaaro ka jireen isla markaan uu yahay dhul howd ah .

Wixii warar ah ee soo kordha akhristayaasheenna sharafta lahoow waan idiin soo gudbin donna issha alaah .
W/Q: Wariye Axmed Khadar
Email: axmedmbc@hotmail.com
27/Jan-2010 = 12. Safar 1431 (12/2 1431)