Towxiid/Caqiido Qur'aan Subac Tafsiir Muxaadarooyin Minhaaj Nabi Amaan Taariikhda Culimada
Barnaamijyada Boggan: Akhbaaro & Maqaalo

Somali and Islamic Links:

This is a mail link:
Fadlan halkan nalaga soo xiriir

ama nurudin1@hotmail.com

Dagaalada kasoo cusboonaadey Bartamaha Somalia iyo Saameynta Siyaasadeed

Marka laga hadlayo dalka soomaaliya ayaa dadbadani waxa ay qabaan in la weysanyahay
xal muuqda oo dalkaasi looga baxsho dhiiga ka qulqulaya waxaana sidaa qaba dadyow
ku kala nool dunida daafaheeda.

Dilalka ayaa soomaaliya ka ah mid micno darro ah , ayadoo dalkaasi ay la dageen dagaalo.
waxaa laga tirtiray ama la gumaaday Culumaa udiin , aqoonyahanno , Saraakiil badan oo
katirsanaa Ciidamadii qalabka siday , arday , haween iyo dad maato ah oo aan waxba galabsan.
waxayna taasi ka dhigtay in dilka uu noqdo mid aanan la xisaabinkarin ama aanan layska wareysanba.

Dagaalka wajiga cusub leh ee hadda soomaaliya ka hilaacay waxa uu u dhaxeeyaa laba qeybood
oo fikradaha ay aaminsanyihiin ey aad ukala fogyihiin. Prof. Mohammed oo Malaysia wax ka dhiga ayaa waxa uu qeexay ahlusunna,
waxa una yiri :"Culumaaudiinka ahlusunna waljamaacah ama (Duruqu Suufiyah) ayaa waxa ay yihiin
culumo taariikh fog kuleh dalalka islaamka oo ay ku jirto soomaaliya,waa kuwa nabada lagu yaqaan,
ayagoo calaamadoodu tahay faafinta diinka islaamka iyo baridiisaba waana caqiidada saliimka ah
ee umadda soomaaliyeed leeyihiin, waa kuwa is ixtiraama oo shiikh iyo xertuba aad kala garanaysid.
Waa kuwa is jecel oo midba midka kale. Waa kuwa aad loogu yaqaano Munaasabadaha islaamka in ay si weyn
u nooleeyaan sida mowliidka ama malinti uu dhashay nabiga SCW iyo siyaarooyinka dadka wanaagsan".

Isla Aqoonyahankaas soomaaliyeed , ayaa sharaxaya Ururada ka soo horejeeda Ahlusunna
waxa uuna yiri:" Ururada kala ah Al-shabaab iyo Xisbul Islaan ayaa ah ururo wayihii danbe dhagaha-
soomalaida soo gaaray ,waxa ay yihin kuwa ka fikrad duwan tan ahlusunna Waljamaaca,
waxa ay ururadaasi ahlusunna waljaamacah u arkaan in ay yihiin Gaalo isla markaana dagaalkoodu banaan yahay,
waxay kaloo ururadani mabda ooda hoose yahay in la isku qarxiyo bulshada dadka u madaxda ah ama aqoonta u leh.
Waxaa baysaskooda kamid ah khaarijinta cid kasta oo fikradooda ka soo horjeeda.

Ahlusunna waljamaacah waxa ay qoriga u qaadatay ayadoo laga wada dharagsanyahay, waxa isweydiin mudan cududa milatry oo ku soo fidaysa deegaanada ay maamulaan alshabaab iyo xisbul islaan ,gobolka Galgaduud 99.5% waxaa maamula ahlusanna, Hiiraan Dagaal ayaa ka socda oo ay ahlusunna sida muuqato ku gacansareeyaan. Gaalkacyo koonfurteeda Ahlusunna ayaa maamula.

Taageerada shacabka soomaaliyeed ayaa waxa ay markaan ku sii jeedaa Culumaaudiinka ahlusunna waljamaacah waa sida ay qabaan fikrado badan oo aan aruurinay.

Dowlada Soomalaiya ee taagta daran ayaa ayadana waxa ay markaan naf ka raadinayaa Shacaka Iyo culumada diinta gobolada dhexe iyo bartamaha soomaaliya ee dagaalka kala soo horjeeda Alshabaab iy xisbul islaam oo dowladu ay dab iyo baasiin isku yihiin . dowlada laftigeeda waa liiqliiqanaysaa oo xubnaha ugu caloosha weyn dowlada ee barlamaanka ayaa is qabqabsi siyaasadeed oo culusi uu dhexyaalaa oo ah in gudoonka la rido , hadii la ridana waxaa daqada ka baxaysa xukuumada somaliya.

Xisbul islaan iyo alshabaab oo dad ka qaar aminsanyihiin in ay laba urur kala yihiin ayaa hadana waxaa taasi been yiri ahlusunna waljamaaca oo sheegey in ay isku mid ka yihiin siyaasada iyo dagaalkaba oo ey hal mar ay dagaalka isla galaan.

Dhanka kale marka la eego, dagaalka waxaa ay culumaaudiinka ahlusunna waljaamacah geesta kale ka wadaan Maamul xoogan oo qaab dowladeed u dhisan, la filayana in siyaasada soomaaliya isbadal ku imaan karo marka la eego miisaanka uu xanbaarsanyahay maamulkaas.

Culumaaudiinka ahlusunna walajamacah, Xisbul islaam iyo alshabaab ayaa markaan indhaha lagu hayaa kubadda ka dhaxeysaa cidda ay guusha ku raacayso , iyo taageerada shacabku halka ay ku sii jeedo iyo waliba halka ay sal dhigato siyaasada cakiran ee dalka diifta badani ka muuqato ee soomaaliya.
W/Q : Wariye Axmed Khadar .