Xadiithka Jaariyada iyo waxa ey ka yiraahdeen Culimo waaweyn oo lagu kalsoon yahey
Ilaahbaa mahad leh allahaasoo aan jiho lagusoo koobi karin ..waqti iyo meelna aan loo yeeli karin waxna aan u,ekeen waxna aan loo ekeysiin karin ..nabad iyo naxriis nabi maxamed korkiisa allaha ka yeelo sidoo kale asxaabtiisa iyo intii jidkiisa toosan raacdey ..kadib.
Waxaan halkaan kusoo qaadan doonaa sharaxa xadiith-ka jaariyada ee { أين الله ، فقالت الجارية : في السماء } iyo sida eey ka yiraahdeen culimada waa weyn laguna kalsoon yahay .
1- imaamul nawawi
Imaamkaan mar uu ku soo qaatey xadiithkaan sharaxiisa saxiixul muslimka juzka shanaad kitaabka masaajidda iyo meelaha salaada lagu oogo baabka lagu xaaraantimeynayo hadalka xilliga salaadda lagu jiro..saatan hoos aad ku aragto buuna ka yiri imaamku :-
{ هذا الحديث من أحاديث الصّفات، وفيها مذهبان تقدَّم ذكرهما مرَّات في كتاب الإيمان: أحدهما: الإيمان به من غير خوض في معناه، مع اعتقاد أنَّ الله ليس كمثله شىء، وتنـزيهه عن سمات المخلوقات. والثَّاني: تأويله بما يليق به.
oo ah micnaha { xadiithkaan waa mid ka mid ah xadiithyada siifaadka ama tilmaanta eebe culimadana laba qeybood bey ukala qaadeen horeyna baanu loogu sheegey marar badan kitaabka immanka (rumeynta) ka hadlaaya .
Culimada qeybta koowaad/ waxey yiraahdeen waa in suu yahay loo rumeeyaa iyadoo aan micnaha kore lasii dhexdabaalan; islamarkaana la ictiqaado inaaney jirin wax lamid ah ilaah ama u,eg lagana reebayo tilmaamaha uunkiisa qaadan karo.
Culimada qeybtooda kalena / waxey qabaan in la ta,wiiliyo ta,wiil isaga ku haboon loo yeelo, oo aan kor laga qaadan.
Qoladan qabta ta,wiilka waxey yiraahdeen sidan:- ula jeedadu waa in nabigu qofatan jaariyada ah ku imtixaanahayey si uu-u- ogaado iney tahay mid aaminsan keli ahaanshaha ilaahey yahayna kala dibiraha iyo kala hagaha koonkaan iyo abuuraha koonka oo idil yahayna ilaaha xaqa loo caabudo oo eey duceystayaasha goorta eey baryahayaan sacabadooda kor ugu qaadaan samada sida kuwa salaadda tukanayaba eey ula jeestaan salaadooda kacbada..qiblad ahaan
micnuhuna waa in aan ilaah lagusoo koobi karin cirka ama dhulka toona waayo haddiiba kuwa ilaah baryo eey qibladda eey ilaah u baryaan samada tahay marka eey duceysanayaan.... dhulkana (hoos) na tahay qibladdii kacbada halka eey ilaah ucaabudaan goorta eey tukanayaan ..taasi waxey caddeyneysaa inaan ilaah lagusoo koobi karin meel iyo jiho toona...jihada kore ama jihada hoose midna.
Amase nabigu nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee waxaa uu doonayey in uu ka ogaado gabadhaas jaariyada aheyd in ey tahay wali kuwa caabuda sanamadii dhulka ee laatta iyo cuzza i.w.m....markaa buu su,ashaas weydiiyey oo uu ku yiri :-meeh ilaah ?!!! sey teen iyadoo nabiga u jawaabeysa :- samada (cirka)...halkaana waxaa nabiga u cadaatey in eeysan aheyn gabadhaas jaariyadda mid caabudda sanamada eey gaalada makka caabudaan..saasuuna u yiri markaas nabiga ninkii gabadha lahaa :- sii daa waa mu,minade!.Saana waxaa qaba ama aragtidaas climada ta,wiilka tafsiiliga ...sameeya.
Imaam al-nawawi ayaa wali hadalka sii watta -isaga oo inoo sharaxahaya xadiithka iyo aragtida culimada-waxaa jira buu yiri imaamka in dhammaan culimada islaamka haddey leeyihiin culimo xadiith ama haddey leeyihiin culimo fiqhiga (axkaamta) ku xeel dheer iyo hadey leeyihiin culimo xaga luqadda ku xeldheer iyo tafsiirkaba iyo haddey indheer garad leeyihiin ama kuwo wax looga deydo intaba dhammaantood iskuma qilaafsana in dhammaan aayadaha ama axaadiitha sifaadka(tilmaamaha ilaah) kusoo aroorey sida qowlka eebe {{أَأَمِنْتُمْ مَنْ فِي السَّمَاءِ أَنْ يَخْسِفَ بِكُمُ الأَرْضَ} [الملك: 16] waa la ta,wiilin hayaa-sida eey qabaan dhammaan culimada islaamka oo kor uun laga qaadan mahayo ...hadalkaasna waxaa uu imaamka kasoo guurin hayaa qaadii ciyaadh ]..dhammaad hadalkii imaam al-nawawi ee uu ku sharaxayey xadiithka jaariyada iyo aragtida culimada .
2-al-xaafid abul cabaas axmed bin cumar bin ibrahiim ee ahaa mid degan al-qurdhubi
Caalimkaan isaga oo kusoo qaadan haya kitaabkiisa loo yaqaan al-mufhim ( المفهم } ee uu ku sharaxayo kitaabka saxixul muslimaka xadithkaan jaariyada isna saatan buu ka yiri xadiithkaan:-
{على هذا يكون قولها في السماء أي في غاية العلو والرفعة وهذا كما يقال: فلان في السماء ومناط الثريا"
oo ah micnaha {waxaa loola jeeda buu yiri hadalkeeda ah ilaah waa samada mid ahaadey meesha ugu sareysa sareyn iyo kor ahaanshaha ilaahey eebe kor ahaaye ..waana sida adiga oo yiri :- hebel cirka ayuu isku shareerey ama mel sare buu gaaray.
Ulajeedadu waa sareynta in loola jeedo darajo sare laakiin eysan aheyn boos ama meel sare in ilaah fadhiyo.

3- imaam al-raazii Isna caalimkaas sidatan buu ka yiri mar uu kusoo qaatey kitaabkiisa lo yaqaan { أساس التقديس } saatan buu kayiri sharaxa xadiithkaa jaariyadda ereyga ah {eeyna} ama xagee laba macnoba waa uu kaa qadan karaa mid meel sare ah ama mid darajo sare ah intaba laakiin ula jeedadu halakani waa in ilaah yahay sareeye aan laakiin meel aheyn ...ama aan meel ahaanin.

4-al-qaadii abii bakar bin carabi
Waxaa uu yiri al-qaadii abii bakar bin carabi mar uu sharaxahayey kitaabka loo yaqaan (sunan al-tarmidii-سنن الترمذي } sidan buu kayiri:-{ marka su,aashaas ah xagee eebbe la weydiinayo -ula jeedadu waa sareynta eebe ee maahn in loo qaato in deegaan ahaan loola jeedo waayo ilaah waa ka nazahan yahay in deegaan ama meel looyeelo } dhamaad hadalkii qaadii abii bakar .

5aad-Al-xaafid ibn al-jowzii.
Xaadidkaan ibn al-jowzii mar uu ku sharahayey kitaabkiisa loo yaqaan في دفع شبه التشبيه kuna bixin hayey sharax xadiith-ka jaariyadda sidan buu ka yiri:- kadib markaan arkey oo aan aqriyey qoraalkii mucaawiya bin xakam saatan baan iri:- قد ثبت عند العلماء أن الله تعالى لا يحويه السماء والأرض ولا تضمه الأقطار وإنما عرف بإشارتها تعظيم الخالق عندها.اهـ Culimada waxaa agtooda ka wada sugnaatey in ilaah aan samooyinka lagu soo koobi karin dhulkana aan lagu soo koobi karin meel oo dhanna aan ilaah laggu soo koobi karin hayeeshee waxaa laga fahmi karaa tilmaam ahaan xadiith-ka jaariyadda in uu tilmaamahayo in weynaanta eebaha wax abuura uu jaariyadda agteeda ku weynaa .

6aad imaam taqiyudiin al-subkii.
imaamkaan oo loogu magacdaro xujada islaamka xadiithkan waxaa uu ka yiri isagoo so qaadan haya kitaabkiisa caanka ahaa ee {بالسيف الصقيل ] ee uu ku radiyey ibn qiyam al-jowzi (nuuniyadiisa) saatan buu isna yiri xadiithka jaariyadda :-marka uu nabiga nabad iyo naxariis korkiisa allaha ka yeelee ee uu weydiinahayey jaariyadda ee uu lahaa meeh ilaah ;eyna ku jawabtey jaariyadii :-samada, dhammaan muslimiinta arintaan waa eey ka wada hadleen khilaafna kama taagneen ..ula jeedada laga wado ...laakiin ninkan (waa ibn qiyam al-jowzi) isagaa bidci-nimadiisa uun qiil u raadinaya .
Micnaha waa sareynta halakani maahan meel sare in ilaah degan yahay ee ula jeedadu waa in jaariyada nabigu doonayey in uu ogaado bal in eey tahay muwaxidah (oo ilaah kali ahaanshihiisa )eey heysato... mise waa mid ah mid sanamyada gaalada reer makka ey caabudaan aaminsan... marba haddey tiri:-samada!! waa mid aaminsan keli ahaashaha ilaah amaba eyasan oran ama xusin kuwa gaalada eey aaminsanyihiin...sidaas daraadeed buu nabigu calehi salaatu wassalaam u yiri sii daa waa mu,minade.
Hadaba halkaa waxaa inoo cad in culimadii islaamka eey wada aaminsanaayeen inaan ilaah jiho iyo meel iyo waqti toona aan loo yeeli karin ula jeedada xadiithakana uuba iska cad yahay ...laakiin qolyaha mushabahada ama wahaabiyada iyada uun kali ku yahay meel ilaah u yeeleysiga .
Culimada aaminsan in aan ilaah jiho iyo meel iyo waqti toona aan loo yeeli karin oo aan xadiithkaan loo fahmin in ilaah cirka degen yahay...addilladaan beey cuskadaan hoose.
1-aad
ilaahbaa qur,aankiisa ku yiri :{{قل لمن ما في السموات والأرض قل لله} [الأنعام:12] aayadaan waxaa eey inoo cadeyneysaa in meel oo dhan aan ilaah loo yeeli karin waayo meel oo dhan isagaa abuurey oo eey milkiyadiisa tahay isageyna tasarufkiisa hoos imaanayaan dhammaan la,abuurayaasha ku nool samaawaatka dhexdooda iyo kuwa kunool dhulka dhexdiisa iyo inta u dhaxeysaba ..ilaahna maahan mid kasoo go,a abuurkiisa ama ku xiriira waana uu jirey iyadoon aaneyba jirin waxba ..goortuu meelo abuureyna suu ahaa waxba iskama badalin ..umana baahna maqluuqaadkiisa ilaah sareeye manusqaame isaga oo lahadlaaya nabigiisa buu yiri { ku dheh nabi alloow isaga yaa eey u sugnaatey oo eey milkiyadiisa tahay wax allaale iyo waxa ku hoos nool samooyinka iyo wax allaale iyo waxa ku hoos nool dhulka intaba ..hadaba dheh nabiyoow ilaah bey ahaatey milkigiisa iyo tasarufkiisa dhamaantood } aayadda 12 aad/ ee suuradda al-ancaam. Aayadaas meel ama boos ama deegaan bey ka hadleysa ...in aan ilaah loo yeeli karin.
2-aad
Hadana mar kale waa tan aayad kale oo eey culimada ahlusunna eey mowqifkooda ku xoojinayaan in aan ilaah waqti loo yeeli karin waayo waqtiyaal ama zaman intaba ilaahbaa abuurey oo eey iyana mulkigiisa noqdeen ama ahaadeen ...ilaah baa ku yiri kitaabkiisa:-وقال تعالى: {وله ما سكن في الليل والنهار} [الأنعام:13]
ilaah weynaaye waxaa uu yiri:-{ isaga ayaana iska leh (waa eebbee)wax kastaa (oo waqti ah ama zaman)oo ku guda jira habeenka iyo maalinta intaba } suuradda al-ancaam / aayadda 13 aad.
Ula jeedadu waa in ilaah xaqa loo caabudaayi uu isagu abuurey milkiyadiisana tahay waqti oo dhan 24 saac/7 maalin/usbuuciiba ama sanadkoo dhan ilaah isagaa iska leh oo abuurtey oo aan cidna ku heysan hadaba waqti ama zaman ama xilli oo dhan ilaah looma yeeli karo .
micnahuna waa in aayaddaasu eey ka hadleyso waqti ama zaman ...halkaana waxaanu ku baraney in aan ilaah meel iyo waqti toona aan loo yeeli karin. Hadalkaasna ah sharaxa waxaa laga soo guurshey in uu yiri imaam al-fakhr al-raazii .
Mar kale imaam abuu cabdalla maxamed bin axmed bin abiibakar al-ansaari al-khazraji -al-andalosi al-qurdhubi ahaana ninkii fasiraadda ka baxshey kitaabka loo yaqaan { التذكار في أفضل الأذكار } waxaa uu yiri sidatan:-لأن كل من في السموات والأرض وما فيهما خلق الله تعالى وملك له وإذا كان كذلك يستحيل على الله أن يكون في السماء أو في الأرض إذ لو كان في شىء لكان محصورا أو محدودا ولو كان كذلك لكان محدثا وهذا مذهب أهل الحق والتحقيق وعلى هذه القاعدة قوله تعالى: {ءأمنتم من في السماء} وقوله عليه السلام للجارية: أين الله؟ قالت في السماء، ولم يُنكر عليها وما كان مثله ليس على ظاهره بل هو مؤول تأويلات صحيحة قد أبداها كثير من أهل العلم في كتبهم.اهـ
Imaamka waxaa uu yiri:-{ waayo dhammaan dhulka iyo samooyinka iyo inta ku hoos nool intaba iyo inta u dhaxeysaba waa abuurka ilaahey uu abuurey waana boqortooyadiisa oo isagaa iska leh ..marba haduuba saa arinku yahay waxaan suurtagal marnaba aan noqon karini waa in layiraahdo ilaahbaa samada degan ama dhulka toona waayo hadii saa eey arintu ahaato oo ah in ilaah cirka degan yahay ama dhulka ...ilaah mid meel lagusoo koobey bey arintu noqon laheyd ama mid meel lagu xadidey hadii saa loosoo koobo ama loo xaddidana.. ilaah dhacdo ama abuurkiisa ayaa loo ekeysiiyey ama laga yeeley (taana waa mid ilaah kasareeyo) ... madhabka ahlulahiga ah ahlu xaqana waxaa ey aaminsanyihiin kana aaminsanyihiin qowlka ilaah sidan oo kale ah sida:-{ {ءأمنتم من في السماء}ma waxaad ka aamin noqoteed mid samada jooga ama xadithka ah kan jaariyada} ama xadiith-ka jaariyada ee ah أين الله ، فقالت الجارية : في السما
Waa lawada ta,wiilin iyadoo lagu muujinaayo ta,wiilka saxda ah ee eey culimada muujiyeen korna marna laga qaadan maayo..sida kuwada cad kutubada ahlucilmiga ..dhamaad hadalkii imaamka .
Haddana waxeynu soo qadan asal ahaan xadiithkaan sida uu saxda ku ahaa lafdigiisa sida culimada waaweyn laga wariyey.
Waxaa laga soo wariyey labada imaam ee waa weyn ee ah imaamyada ahlusunna waljamaacah waa imaam axmed bin xanbal iyo imaam maalik bin anas isagoo ku bees gareeysan asuusha diinta in lafdiga xadiithka ahaa sidatan:-"أتشهدين أن لا إله إلا الله" قالت: "نعم" قال: "أتشهدين أني رسول الله" قالت: "نعم".
maka marqaati kaceysaa in aanu jirin ilaah uun mooyee ilaaha xaqa loo caabudo; seyteen :-haa..nabiguna ku yiri iyadii hadana :-maka marqaati kaceysaa in aan anna ahey rasuulkii ilaah eyna tiri jaariyadii:-haa }..kaasaana ah kan saxda ah ee lafdiga xadiithka islamarkaana waafaqsan asuusha diinta..waana sey soo saareen labadaas imaam ee waa weyn.
Imaam axmed bin xanbal isagu saatan buuba usoo saarey xadiithka jaariyadda eeg hoos:- أما أحمد فأخرج عن رجل من الأنصار أنه جاء بأمَةٍ سوداء فقال: "يا رسول الله إن عليَّ رقبه مؤمنة فإن كنت ترى هذه مؤمنة فأعتقها" فقال لها الرسول صلى الله عليه وسلم: "أتشهدين أن لا إله الا الله" قالت: "نعم"، قال: "أتشهدين أني رسول الله" قالت: "نعم"، قال: "أتؤمنين بالبعث بعد الموت" قالت: "نعم"، قال: "أعتقها"، ورجاله رجال الصحيح.
imaam axmed waxa uu soo saarey in nin ansaari ka mid ah uu ula yimi nabiga agtiisa uuna markaas ku yiri:-rasuulkii ilaahayoow waxaa igu waajibey inaan qoor mu.minad ah xoreeyo ee haddaad u aragto tan hadey tahay mu,minad xoree markaa buu nabigiina ku yiri iyadii nabad iyo naxariis korkiisa allaha ka yeelee jaariyadii:-ma ka marqaati kici in aanu jirin ilaah.. uun mooyee ilaaha xaqa loo cabudo,.. markaabey tiri :-HAA hadana ku yiri iyadii ma ka marqaati kici in aan anna ahey rasuulkii ilaah...seyteen :-HAA, markaa buu nabigu yiri :-ma rumeysantahay in dib la,isu soo saaraayo dhimashada ka dib, syteen :-HAA , markaa buu nabigu ku yiri ninkii jaariyadda ula yimi ee watey SII DAA OO XOREEY , ragga soo wariyey waa rag lagu kalsoon yahay waana saxiix xadiithkaas.
3aad
Riwaayadda laga soo wariyey isna ibn Jaaruudi iyadana sidana ah:- وفي رواية لابن الجارود بلفظ: أتشهدين أن لا إله إلا الله؟ قالت: نعم، قال: أتشهدين أني رسول الله؟ قالت: نعم، قال: أتوقنين بالبعث بعد الموت؟ قالت نعم، قال: اعتقها فإنها مؤمنة. وهي رواية صحيحة. { maka marqaati kaceysaa in aanu jirin ilaah uun mooyee,ilaaha xaqa loo caabudo?sey teen :-HAA hadana uu nabigu ku yiri iyadii maka marqaati kaceysaa in aan anna ahey rasuulkii ilaah? ,sey teen hadana:-HAA ,hadana nabigu ku yiri iyadii waa jaariyadee:-maqirsan tahay oo maqabtaa in laysi soo saarayo dhimashada kadib? seyteen :-HAA , hadana nabigu yiri :-sii daa waa mu,minad ee qofatani. taasna waa riwaayad saxiix ah.

3aad-Imaam ibn xibbaan.
Imaamkaan waxaa uu ku wariyey saxiixiisa loo yaqaan (saxiix ibn xibban) isagaa kasoo wariyey shariid ibn suweydal-thaqafiy saatan buu isna wax u qorey:-
يا رسول الله إن أمي أوصت أن نعتق عنها رقبة وعندي جارية سوداء قال: ادع بها، فجاءت فقال: من ربك؟ قالت: الله، قال: من أنا؟ قالت: أنت رسول الله، قال: أعتقها فإنها مؤمنة. ورواه أيضا بهذا اللفظ النسائي في الصغرى وفي الكـبرى والإمام أحمد في مسنده والطبراني والبيهقي ورواه أيضا بهذا اللفظ ابـن خزيمة في كتابه الذي سماه كتاب التوحيد من طريق زياد بنالربيع عن بن عمرو عن أبي سلمة عن أبي هريرة عن الشريد.
Waxaa nabiga u yimid nin oo ku yiri:- {rasuulkii ilaahoow hooyadey baa nagula dardaarantey in aan qoor ka xoreyno, agteydana waxaa ah jaariyad madoow ..nabigaa hadana yiri:-u yeer jaariyadda ,waa eey timi ,nabigu waxaa uu iyadii ku yiri :-waa kuma rabbigaa? sey teen :-waa ilaah , nabigaa haddana ku yiri iyadii :-anna kumaan ahey? markaa bey hadana tiri ;-adigu waxaad tahay rasuulkii ilaah , nabiga yiri hadana:-xoree waa mu,minade qofatani.
saana waxaa isna warin haya lafdi ahaan al-nassaa,ii kitaabkiisa (al-sugraa-iyo al-kubraa) sidoo kale imaam axmed (masnadkiisa) sidoo kale dhabaraanii iyo ibn beyhaqi ..sidoo kale isla lafdigaan waxaa isna warin haya ibn-khuzeymah kitaabkiisa lagu magacaabo (kitaab -al-towxiid) isagoo usii marahayo riwaayadaan ziyad ibn rabiic isna usii marahayo al-rabiic isna usii marahayo bin cammar isna usii marahayo abii salmah isna usii marahayo abii hureyrah isna usii marahayo al-sharid.

Mowqifka qaar eey ka istaageen xadiithka jaariyadda ee saxiixul muslimka.
Xadiithka jaariyadda ee ah :-{ Ilaah meeh ..jawaabtuna tahay ,,samada } culimada qaarbaa mowqif culus ka istaagey waayo bey yiraahdeen waa xadiith ka hor imanaya xadiith kaloo ah mutawaatir oo eey soo wariyeen shan iyo toban qof oo saxaabi ah oo waa weyn xadiithkaas oo ah sidan:-{أمرت أن أقاتل الناس حتى يشهدوا أن لا إله إلا الله وأني رسول الله}.
Waa xadiith dheer laakiin intaan baanu kasoo qaadaney xadiithku waa sidan ;- nabigaa yiri naxariis iyo nabad korkiisa ha ahaatee :-{ Waxaa ley farey inaan dadka kula dagaalo illaa eey ka qirayaan inanu jirin ilaah.. uun mooye ilaaha xaqa loo caabudo uun kaliyah kelli ahaanshihiisa iyo in aan anigu ahey rasuulkii ilaah soo direy....ilaa dhamaadka xadiithka.}
Micnuhu waa in shahaadateynkas diinta lagusoo galo ee aan laakiin diinta lagusoo galin qofka oo yiraahda ilaahbaa samada ama dusha sare ah ama micna kale hadii qofka yiraahdo ilaah waa sareeye intaa kaliya diinta laguma soo galo ..ee waxaa shardi ah qofka haduu musllimayo ama larabo in la,islaamiyo in laxuso shahaadateynka ..luqadkastaaba halagu xusee.

Hadaba culimada waxaa eey yiraahdeen xadiithka jaariyadda ee saxiixul muslimka qaab ahaan habka uu uqoranyahay waa mid muddarib ah waayo qofka islaam-nimadiisa xadiithkaas kore baa ah mid ka adag kan jaariyadda kaasaana ah mid la ictibaari karo oo laqaadan karo..saana waxaa qaba ibn-beyhaqi iyo culimo kaleeto oo badan.

Hadii dadka qaar is yiraahdaan saxiixul muslimka waaba saxiix axaadiith-ta kusoo aroortey oo maxaa xadiith ka jaariyadda loo diidaayaa qaabkeeda ah meeh ilaah iyo jawaabteeda ah samada ..jawaabtooda waa sidan:-dhammaan axaadiithta kusoo aroortey saxiixu muslimka mawada ahan wada saxiix waayo culimada axaadiith-ta ku xeel dheer qaar bey celiyeen sida:
1- xadiith-ka uu nabigu kuleeyahay ninka :-إن أبي وأباك في النار aabahaa iyo aabaheeyba naartey ku jiraan.
2-iyo xadiith-ka kaleeto ee ah sidan:-إنه يعطي كل مسلم يوم القيامة فداء له من اليهود والنصارى waxaa lasiin qof kastaa oo muslim ah maalinta qiyaamaha oo loosiin fiddo yuhuud iyo nassaara.
3- iyo xadiitha kaleeto ee ah isna annas laga wariyey :- صليت خلف رسول الله وأبي بكر وعمر فكانوا لا يذكرون بسم الله الرحمن الرحيم . Waxaan la tukadey salaad anoo ku xirtey nabiga abii bakar iyo cumarna midkood bisiinka ma xusin .
-Sedexdaas axaadiith kan koowaad waxaa laciifiyey al-xaafid imam al-suyuudhii كتابه مسلك الحنفا في نجاة أبوَي المصطفى صلى الله عليه وسلم،
-kan labaadna/ imaamul bukhaari baa diidey oo ceshey..sida ibn-xajar uu ku qorey fatxi baarigiisa .
-kan sedexaadna /imaam shaaficii baa daciifiyey sida ku qoran kitaabka al-ciraaqi ee (فتح المغيث) marka uu alfiyada sharaxahayo..

Sidaasi daraadeed waxaa sax ahaan loo qaadan xadiithka jaariyadda ee labada imaam ee ahlusunnaha ah eey soo saareen ee kala ah imaam axmed bin xanbal iyo imaam maalik kaaseyna badi culimada sax ahaan u qaateen.

Laakiin culimada ansixiyey ee yiri waa saxiix sida imaam nawawi ma eysan u fahm,in xadiithkaan kor ahaan uun loo qato ee waa eey ta,wiliyeen laakiin micnaha marnaba uma macneyn in loola jeedo in ilaah samada degan yahay deegaan ahaan ...laakiin waxaa eey ufahmeen kaliyah in uu nabigu imtixaanahayey jaariyadda uuna doonahayey in uu kala ogaado ma tahay mid aaminsan kalli ahaashaha ilaahey mise waa mid sanamada aaminsan ..goortuu ogaadey innneysan sanamada caabudin ama eeysan ilaah u,aqoon laata iyo cuza i.w.m. buu amrey in lasii daayo oo laxoreeyo saa buuna mu'minad ugu sheegey ...waayo nabiga waxaa uu ahaa mid waxkastaa loo waxyoodo oo horuu u ogsoonaa iney tahay mu,minad....saa beyna u fahmeen culimada iyaga ansaxiyey xadiith-kaan saxiix ahaantiisa.
Wallaahu aclam wa axkam.
Hal xiraalaha ku jira in ta,wiil eey sameeyaan culimada islaamka (ta,wiil tafsiilii) Ta,wiilku waa iyadoon laqaadan macnaha daahirka ah ee muuqda markaas aan kor wax laga qaadan..sida aayada qur,aanka kariimka ee ee qowlka ilaah:- (الرَّحْمَنُ عَلَى الْعَرْشِ اسْتَوَى) (طـه:5) Ilaahbaa carshiga dushiisa ku istiwoodey ama qowlka ilaah :-( فَأَيْنَمَا تُوَلُّوا فَثَمَّ وَجْهُ اللَّهِ)(البقرة: من الآية115){halkaad doontaanba ujeestee waa uun wajiga ilaaheey} Labadaas aayadood kor lagama qaadan karo midda koowaad culimada wexey ku ta,wiiliyeen mid ah ijmali (duu-duub ahaan) oo waxaa eey yiraahdeen ilaah carshigiisa isagaa sheegtey in uu ku istawoodey mana ahan micnaha daahirka ah ee muuqda in loo qaato wayo ilaah waa mid ka nazahan in meel loo yeelo ..sideena lama oran karo oo si looma yeeli karo waana in saa loo rumeeyaa...saana loo qaattaa bey yiraahden.

qaar kaletana ta,wiil tafsiili bey uyeeleen oo waxaa eey yiraahdeen sareynta halakani loolama jeedo sareyn deegaan ahaan ah ama mid meeleed ee sareynta halakani waa mid darajo sare ..sida uu qabo imaam al-qurdhubi ..ama imaam suyuudhii ama al-dhabari ama ibn xibbaan..iyo qaar kale oo badan.

Ayyadda labaadna halkaan wajiga ilaaheey waxaa loola jeedaa qibladda ilaaheey sida uu qabo salafigii mujaahid oo ahaa ardeygii ibn cabaas..oo eey la qabaan badi culimada islaamka oo saa bey u ta'wiiliyaan xattaa Wahaabiyada markaan waa eey ta'wiiliyaan walow markey rabaan eey diidaan ta'wiilka
..
Waxaa isna saa lamid ah xadiithka jaariyadda isna culimada islaamka waa eey ta'wiiliyaan...badidood laakiin wahaabiyada ta'wiilka xadiithkaan ma eey ogala .Culimada wahaabiyada mata'wiiliyaan mararka qaarkood taaasoo loo qaadan karo iney isbur-burinayaan iyaga, marna waa eey xaaraantimeeyaan ta'wiilka. marna iyagoon is ogeyn bey wax ta'wiiliyaan..taana aqoon yaridaa u geeysey.

Waxaa isna jira xadiithka laga soo wariyey imaam al-bukhaari in nabiga nabad iyo naxariis korkiisa alaha yeelee uu yiri sidatan" إذا كان أحدكم في صلاته فإنه يناجي ربه فلا يبصقن في قبلته ولا عن يمينه فإن ربه بينه وبين قبلته " ، وهذا الحديث أقوى إسنادا من حديث الجارية }
Hadii midkiin salaad ku jiro qofkaasi ilaahiisuu lamunaajoonahayaa hadaba yaanu candhuuf u tufin xaga qibladiisa iyo xagga midigtiisa toona wayo ilaah waxaa uu u dhaxeeyaa isaga iyo qibladiisa }.
Xadiithkaan waxaa uu burin hayaa qolyaha wahaabiyada aragtidooda ah in ilaah uu cirka degan yahay.

waxaa kaloo lamid ah isna xadiithka saxiixul muslimka :-"أقرب ما يكون العبد من ربه وهو ساجد. فأكثروا الدعاء " . اهـ
Nabiga nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee waxaa uu yiri sidatan:-{ goorta uu adoonka ilaahiisa uu u dhowyahay waa marka uu sujuudsan yahay ..badiya markaa ducada.}
Xadiithkaana waxaa uu ka hor imaanyaa xadiithka jaariyadda qolyaha u qaatta in ilaah cirka jiro ama degan yahay ..oo lafdiga xadiithka jaariyadda kor ka qaatta.
Laakiin xaashaa lilaah in aayadaha ilaaheey iyo axaadiith-ta nabiguba ey iska horyimaadaan ...saa arinku maahan laakiin dadka aqoonta yar sida wahaabiyada baa saa wax u tarjuma ..laakiin culimada islaamka ee aqoonta ilaah siiyey luqsiga eey ta,wiilka ama hal xiraalaha ta'wiilku sirta ku jirtaaye waa in aanu dhicin is burin oo axaadiitha iyo qur'aanka qaarba qaarka kaleey fasiraan...

Hadaba dhawaanshaha iyo sareyntuba maahan mid xissi ah ama dareen ee waa mid ah macnawi ula jeedaduna waa sareyntu waa mid darajo ..dhawaanshuhuna waa mid darajo ee maahan mid deegaan ah ama boos ah waayo boos oo dhan iyo meel oodhan iyo waqti oo dhan-ba ilaah isagaa abuurey milkigisana tahay ..ilaahna uumihiisa lalama mid dhigi karo waana uu ka deeqtoon yahay..uumihiisa.
Waxaa soo diyaariyey:
Guddiga wacyi galinta iyo baraaruga ee ahlusunna waljamaacah.
Sent: Sunday, May 09, 2010 1:44:42 AM
cismaaneey@live.com
soo bandhigey www.nurudin.com