Maxey culimadu ka dhaheen Xadiithka ah: ارحموا من في الأرض يرحمكم من في السماء
بسم الله الرحمن الرحيم
الحمد لله الواسع الفضل والجود، الذي خضعت له السموات السبع والأرض ومن فيهن، تنزه عن الأنداد والأركان والآلات، لا يحويه مكان ولا يجري عليه زمان، خلق العرش إظهارا لقدرته، لا مكانا لذاته، قد كان ولا مكان، وهو الآن على ما كان عليه قبل خلق المكان، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له شهادة تكون ذخرا لنا يوم تبيض وجوه وتسود وجوه، والصلاة والسلام على سيدنا محمد خاتم أنبياءه وعلى آله وصحابته الكرام أجمعين.
intaa kadib;
Waxaan halkaan kusoo qaadan doonaa macnaha eey culimada ka yiraahdeen xadiithkaan hoose iyadoon aan ilaah jiho iyo meel toona aan loo yeelin. { ارحموا من في الأرض يرحمكم من في السماء }
Horta hor iyo horaan xadiithkaan culimada ta'wiiliyey ee aan korkaqaadan waa ijmaaca islaamka ama jamhuurta islaamka laakiin aan ku jirin (wahaabiyada) taa horta hala fahmo.
xadiithku micnahiisa lafdiga ah ee kore waa sidan:-{ u naxariista kuwa (duulka) dhulka jooga idin-na waxaa leydinkaga naxarisan oo idiin naxariisan kuwa (duulka ) samada jooga .
Ereyga ah {Man} waxaa eey halakan tahay lil afraad (jamac) (wadar) mana ahan in loo qaato (hal uun ) ama mid kaliyah ee mantu halkaan waa wadar ama jamac.
xadiithkaasi uu tarmidi wariyeyna waa sidan isagoo dhameystiran:-{ "الراحِمونَ يرحمهم الرحمنُ ارْحموا مَنْ في الأرض يرحمكم من في السماء"}
Ulajeedadu waa dhulka isugu naxariista si idinkana samada leydinku naxariisto..naxarista halkani ahna waa in diinta iyo cabsida ilaah leysfaraa wixii xunna leyska reebaa waxa wacan-na leysfaraa..si aakhiro loo badbaado..oo ilaahna uu inoogu naxariisto..ama wax leystaro oo la iskaalmeeyo oo keena tabarta daran la caawiyo ama raashin lagu quudiyo ama dhar loo xiro si markaas ilaah innagana inoogu naxariisto, waayo malaa'ikta ayaa ah kuwa wax gudbiya marqaatina u ah ilaah una adeega marka naxariistiisa uu inoo soo gudbinaayo ilaah sida roobka iyo i.w.m. ama cadaabkiisa uu ina kusoo ridaayo,Ilaah malaa,iktiisa ayuu amraa oo uu wakiishaa ..ilaahna waa wax walba awoode suu doona hadana yeele isagoo saa ah buu hadana u wakiishaa malaa,iktiisa (ciidankiisa) iyaguna amarkiiseey ku shaqeeyaan oo fuliyaan mana diidaan.
Hadalkaan waxaa daliil u ah oo fasiraad ka bixinaya dheeraad ah xadiith kaloo nabiga lagasoo wariyey oo isna saxiix ah oo ah sidan:{ ارحموا أهل الأرض يرحمْكُم أهلُ السّماءِ " رواه الإمام أحمد وصححه الحاكم (بشواهده).
Sida ibnciraaqi uu inoo sheegahayo waxa ugu wacan fasiraadi waa marka lahelo xadiith xadiith fasirahayo.
Xadiithkaan oo uu ibn axmed iyo xaakimba saxiixayaan micnihiisu waa sidan:{ unaxariista duulka ama kuwa dhulka jooga si aad naxariis uga heshaan idinkana duulka samada jooga}.
Marka hadaba (man) tii aan kor kusoo shegney iney (jamac) tilmaameysey waxaa inoo cadeeyey jamac ahaanteeda xadiithkaan.
Hadaba duulka ama ahalka ama kuwa samada jooga waa malaa,ikta...saana waxaa ku cadeeynaya al-coraaqi kitaabkiisa (al-amaali) ..isaga oo soo qaadan haya hadaba aayaddan:-{ءأمِنتُم مَن في السماء} الملائكة" اهـ، لأنه لا يقال لله "أهل السماء".}
Hadaba aayaddaan { ma waxaad aaminteen duulka samada } ( manta ) halkaan waa jamac waxaana loola jeedaa malaa,ikta. waayo lama oran karo ilaahbaa kamid ah kuwa samada ama duulka samada ama ahalka samada xaashaa lillaah taaasi waa caqiido qaldan waana tashbiih keeni karta ilaah ka fogaansho ...mana ahan in loo maleeyo in ilaah samada deganyahay ama ku fadhiyo sida caqiidada mujasimka wahaabiyada aaminsantahay...taasoo khilaafsan ijmaaca islaamka iyo ahlusunnaha intaba. waa dhab in (man) eey mar noqoto mufrad (kelli) marna noqoto (jamac) ama wadar laakiin hadba jumlada waa in qaacidada naxwaha lagu saleysiiyaa marka wax lamacneyn hayo. Si aan u xoojinno hadalkaas hadaba in (man) tu jamac noqoto eeg:-{أم أمِنتُم من في السماءِ أن يُرسِلَ عليكُم حاصِبًا} Halkaan ( من في السماءِ ) si tamacun ah u eeg waa jamac waana malaa,ikta micnuhuna waa:{ amase waxaad moodeen duulka samada jooga iney idinkusoo dajiyaan duufaan cadaab ah} ula jeedaduna waa in ilaaheey malaa,iktiisa uu amraayo oo eey cadaab gaalada kusoo rideyso inta eey aduunka joogaan sidoo kalena xattaa malaa,ikta cadaabta iyagaa dadka ciqaabahaya marka naarta gaalada lagasho iyagoo amarka ilaah fulinaya oo aan marnaba ku caasineeyn waxa uu faro. sidaasi daraadeed xadiithkii aan soo qaadaney e ahaa:-"الراحمون يرحمهم الرحيمُ ارحموا أهل الأرض يرحمكم أهل السماء". Waxaa uu marqaati madoonto unoqonaayaa in xadiithkaas iyo aayadaasba eey is fasirahayan..islamarkaana ahalka samada ama duulka samada waxaa ah malaa,ikta ilaaheey amarkiisa u hogaansata mana ahan in loo fahmo in ilaah cirka joogo waayo ilaah waa uu kanazahanyahay in xad loo yeelo iyo jiho toona salafkii suubanaana sidaaseey qabeen waxaana haboon in aan soo xasuusanno qaacidadii imaam jacfar al-dhaxaawi ee aheyd :-{ ilaah laguma soo koobo karo jihooyinka lixda ah } jihooyinkana waa afarta jiho iyo kor iyo hoos. Hadaba waxaa saa lamid ah qowlka eebbe weynaaye:-: {ءَأمِنتُم من في السماءِ أن يخسِفَ بكُمُ الأرضَ} [سورة الملك/16] sidoo kale markaan من في السماءِ lama orankaro mid cirka dushiisa ah waayo kaasi waa tafsiir wahaabi ah ee waxaa la oran (duulka samada) waana malaa,ikta ...ula jeedada halkaan. Laakiin waxaa ka haboon in la dhaho ( ma waxaad aaminteen oo dareenteen oo ka baqdeen duulka samada jooga in eey idinla gooyaan dhulka ) ama man ta halkaan in lagu fasiro ( man fi samaa ) ilaaha abuurey samaawaadka oo hantiyey waxa ku sugan oo dhan ...saabaa sawaabka ah. Addilada qur,aanka ee muujinaaya mowqifkaan aan kahadleyno. 1- koowad/ qowlka ilaah weynaaye:-{ومنهُم مَّن يَستَمِعُ إليكَ} [سورة الأنعام/25] { waxaa iyaga ka mid ah duul adiga ku maqlaya } ogoow (man) halkaan waa jamac 2-labaad/ qowlka eebbe weynaaye:-{ومنهم من يستمعونَ إليك} [سورة يونس/42] { waxaa iyaga kamid ah duul maqlaaya ama dhageysanaaya xagaada } ogoow (manta) halkaan waa jamac. 3-sadaxaad/ qowlak eebe weynaaye:-ومنهم من ينظرُ إليك} [سورة يونس/43]. { waxaa kamid ah iyaga kuwa ama duul soo eegaya xagaada } Hadaba ula jeedada xadiithkii aan hadalka ku biloowney ee ahaa { "ارحموا من في الأرض" waxaa loola jeedaa naxariista halkaan isugu naxariista in aad tacaaliimta diinta iyo cabsida ilaah isu sheegtaan waxna itartaan isna quudisaan isu arra-tirtaan dulka dhexdiisa ..si markaas ;-"يرحمكم أهل السماء"eey malaa,iktuna eey naxariis idiinkaga dalabto ilaah saana dusha leydinkaga naxariisto idinkana ..ula jeedaduna waxaa weeye ilaah baa iyaga (malaa,ikta) ku amraaya in eey danbi dhaaf mu,mininta u weydistaan rabbigooda...ilaah weynaaye waxaa uu yiri :- قال تعالى :" [وَالمَلائِكَةُ يُسَبِّحُونَ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَيَسْتَغْفِرُونَ لِمَنْ فِي الأَرْضِ أَلا إِنَّ اللهَ هُوَ الغَفُورُ الرَّحِيمُ] {الشُّورى:5}، وقال سبحانه: [الَّذِينَ يَحْمِلُونَ العَرْشَ وَمَنْ حَوْلَهُ يُسَبِّحُونَ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَيُؤْمِنُونَ بِهِ وَيَسْتَغْفِرُونَ لِلَّذِينَ آَمَنُوا رَبَّنَا وَسِعْتَ كُلَّ شَيْءٍ رَحْمَةً وَعِلْمًا فَاغْفِرْ لِلَّذِينَ تَابُوا وَاتَّبَعُوا سَبِيلَكَ وَقِهِمْ عَذَابَ الجَحِيمِ] {غافر:7} Aayadda koowad/ ee suuradda al-shuuraa (ayyadda 5/aad) ilaah weynaaye waxaa uu yiri:-{ malaa,ikta ilaah bey ku mahadnaqaan iyagoo isaga u tasbiixsanaya waxeyna danbi dhaaf u weydiiyaan inta ku sugan dhuka(adoomaha ilaahey) ilaahan waa udanbi dhaafe ah naxariis badane (adoomahiisa)} Aayadda kalena ee suuradda al-gaafir /7 aad. waxaa uu ilaaha qur,aankiisa ku leeyahay sidatan:-{Kuwa xanbaarsan caeshigiisa (waa malaa,ikta) iyo inta carshiga ku hareereysan intaba kuwaasi iyaga ah (waa malaa,iktee) ilaahoodey u mahadnaqaan iyagoo u tasbiixsanaya isageyna rumeysan yihiin (oo eey caabudaan) waxeyna danbidhaaf ilaah u weydiiyaan kuwa ilaah rumeeyey (iyagoo oranaya) rabbigii eey ballaarneeyd naxariistiisa iyo ogaalkiisoow u danbi dhaaf kuwa towbadkeena ee hadana raaca waddadaada xaqa ah kana najee kuwaasi iyaga ah cadaabka jaxiima} markaad eegto siyaaqa aayadaan hoose baad fahmi in ilaah kanazahanyahay in samada laqotomiyo eeg siyaaqa aataddan:- [إِنْ كُلُّ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ إِلا آَتِي الرَّحْمَنِ عَبْدًا] {مريم:93} marka koowaad (man) halkaani waa jamac marka xikta waxaa halkaas ka cad in ilaah xaqa loo caabudo uu yahay abuurihii iyo hantiyihii dhammaan inta kunool cirka oo dhan iyo inta kunool dhulka oo dhan dhammaantoodna eey yihiin adoomadiisa ...ilaahna maahan mid kasoo go,a ama laxariira adoomihiisa ama inta uu abuurey...micnhu waa inaan ilaah jiho loo yeeli karin waayo jihoo dhan isagaa abuurey .sidoo kale cirka iyo dhulka. Sidaasi daraadeed buu caalimkeena imaam al-nawawi uu u leeyahay sidaan:-لا خلاف بين المسلمين قاطبة فقيههم ومحدِّثهم ومتكلِّمهم ونظَّارهم ومقلِّدهم أنَّ الظَّواهر الواردة بذكر الله في السَّماء كقوله تعالى: {أَأَمِنْتُمْ مَنْ فِي السَّمَاءِ أَنْ يَخْسِفَ بِكُمُ الأَرْضَ} [الملك: 16] ونحوه ليست على ظاهرها بل متأوّلة عند جميعهم اهـ ذكره في كتابه شرح صحيح مسلم ، الجزء الخامس في الصحيفة 22. {muslimiinta dhamaantod iskuma khilaafsana in la,ta,wiiliyo aayadda kore ee suuratul malak aayadda /16 aad oo aan kor uun laga qaadan ..eeg sharaxa saxiixul muslimka /juzka /5 aad /baalka /22 aad Aaydaan 16 aad / ee suuradda /al-malik saatan bey ka dheheen muslimiinta mufassiriinta ah 1-imaam al-qurdhubi tafsiirkiisa/الإمام القرطبي ( ت671): في تفسيره في قول الله تعالى: " أأمنتم من في السماء ": وقيل: هو إشارة إلى الملائكة. وقيل: إلى جبريل وهو الملك الموكل بالعذاب. قلت: ويحتمل أن يكون المعنى: أأمنتم خالق من في السماء أن يخسف بكم الأرض كما خسفها بقارون. اهـ ثم قال : والمراد بها توقيره وتنـزيهه عن السفل والتحت. ووصفه بالعلو والعظمة لا بالأماكن والجهات والحدود لأنها صفات الأجسام. وإنما ترفع الأيدي بالدعاء إلى السماء لأن السماء مهبط الوحي، ومنـزل القطر، ومحل القدس، ومعدن المطهرين من الملائكة، وإليها ترفع أعمال العباد، وفوقها عرشه وجنته كما جعل الله الكعبة قبلة للدعاء والصلاة، ولأنه خلق الأمكنة وهو غير محتاج إليها، وكان في أزله قبل خلق المكان والزمان. ولا مكان له ولا زمان. وهو الآن على ما عليه كان" اهـ. انظر كتاب تفسير القرطبي المجلد 9 الجزء 18 صحيفة 141. Aayadda { أأمنتم من في السماء } waa ma waxaad dareenteen oo aaminteen duul samada jooga} waxaa laga wadaa {man fi ssama} waxaa loola jeedaa baa layiri:-malaa,ikta waxaa kaloo layiri waa jibriil waana malaga ilaah u wakiishey cadaabta ama ciqaabta ;anna waxaan leeyahay ;-waxaa loo qaadan karaa in macnaha loola jeedo mawaxaad dareenteen in duulka samada jooga eey dhulka idinla gooyaan sidey dhulka ula gooyeen qaaruun...hadana waxaa uu sii raacshey ula jeedadu waa in ilaah loo qiro lagana reebo mel ilaah u yeeleysiga sida dhulka ama cirka ..laguna tilmaamo ilaah sareyn iyo weynaan aan aheyn meel u yeeleysi iyo jiho u yeeleyn toona amaba in laga fogaado in xaduud loo yeelo waayo saasi waa[ jiho ..meel ..iyo xad intaba] tilmaamaha oogaleyda ilaah uu isagu abuurey eey yeelan karaan...ducaduse marka ilaah la barya hayo waxaa gacmaha kor loogu qaadaa waa iyadoo eey samadu tahay meesha waxyiga kasoo dago ..naxariista iyo roobkuna ka yimaado..waana xarunta weyn ee malaa,ikta ilaah dahirey ..korna loogu qaado acmaasha suuban ee adoomihiisa sidoo kale kor waxaa ah carshigiisa iyo janada ilaahey ..sida uuba kacbada (oo dhulka ah ) ilaah uga yeeley meesha eey u sujuudaan adoomada ilaahey saladda ku caabudaya qibladooduna u tahay..ilaahna isagaa labaduba abuurey baahina uma qabo in uu dago iyagoon jirin buuna jirey ..jirina doona ..suu ahaana ilaah waxba iskama badalin oo ah intaanuba abuurin boos (dhul iyo cir) iyo inta ku hoos nool ........hadalkaasna ka eeg tafsiirka ibn qurdhubi magallada /9 aad juxka /18 aad baalka /141 aad....dhamaad oraahdii mufasirkii al-qurdhubi. 2-tafsiirka imaam fakhruldiin al-raazii isna saatan buuyiri:-قال الإمام الرَّازيُّ ( ت604) : واعلم أن المشبهة احتجوا على إثبات المكان لله تعالى بقوله: { ءامِنتم مَّن فِى ٱلسَّمَاء } ، والجواب عنه أن هذه الآية لا يمكن إجراؤها على ظاهرها باتفاق المسلمين، لأن كونه في السماء يقتضي كون السماء محيطاً به من جميع الجوانب، فيكون أصغر من السماء، والسماء أصغر من العرش بكثير، فيلزم أن يكون الله تعالى شيئاً حقيراً بالنسبة إلى العرش، وذلك باتفاق أهل الإسلام محال، ولأنه تعالى قال: { قُل لّمَن مَّا فِى ٱلسَّمَـٰوَاتِ وَٱلأَرْضَ قُل لِلَّهِ }[الأنعام: 12] فلو كان الله في السماء لوجب أن يكون مالكاً لنفسه وهذا محال، فعلمنا أن هذه الآية يجب صرفها عن ظاهرها إلى التأويل ". انظر كتاب التفسير الكبير( ج15 جزء30 ص61) Ula jeedada ayadaan qowla ilaahey { ءامِنتم مَّن فِى ٱلسَّمَاء }waxaad ogaataan in aayaddaan mushabahada eey xujjo kaga dhigtan meel ilaah uyeeleysiga ..jawaabtoodana aan sii neyno waa in aan ayaddaan kor uun laga qaadane ee la ta,wiiliyaa sideyba muslimiinta o dhan isku waafaqsanyihiin ..(ogaada wana sida uu sheegey imaam nawawi)..waayo waayo haddi samada layiraahdo micnuhu waa wax kooban marka iyada iyo hareeraheedaba la eego samadu hareeraheedu waa eey ka yartahay ..sidoo kale samadu waa eey ka yartahay carshiga ilaahna meelbaa looga dhacahayaa haddii layiraahdo carshiguu ku dul fadhiyaa ama ku nagadey waana waxaan dhici karin taana in layiraahdo sida eey wada qabaan dhammaan muslimiinta oo dhan mel eey joogaanba waayo ilaahbaa yiri { dheh nabi alloow .yaa eey milkiyadiisa ahaatey oo lahaadey dhammaan inta kusugan samaawaatka oo dhan iyo dhammaan inta kusugan dhulka iyo inta ku sugan ..ku dheh nabi alloow ilaah bey milkiyadiisa ahaatey oo yeeshey} waayo haddii la oranlhaa ilaahbaa samada ahadey ama ku dhexjira samadda iyada yeelan laheyd taana waa waxaan dhici karin oo ilaah maxaal ka ah sida eey muslimiinta oo dhan isku waafaqsanyihiin. sidaasi darraadeed ayadaas kor aan kusoo xusney kor laga qaadan maayo oo waa lata,wiilin hayaa . hadalkaasna ka eeg kitaabka tafsiirka ee al-raazi ee tafsiir al-kabiir ...majalada/15 aad juxka /30 aad/ baalka /61 aad..dhamaad hadalkii imaamul raazii. waxaa intaas kasii cajiib badan haddalkiisaan وقال أيضا في كتابه التفسير الكبير المجلد 13 الجزء 25 الصحيفة رقم 194: " ولو تدبر الإنسان القرءان لوجده مملوءا من عدم جواز كونه في مكان" اهـ hadii eey dadku ku tadaburi lahaayeen qur,aanka waxey ka ogaan lahaayeen qur,aanka in badan inaan ilaah meelna loo yeeli karin.} hadalkaasna ka eg isla tafsiirkiisa [tafsiir al-kabiir] majallada /13 aad juz/25 aad /safxadda /194 aad. hadalkaan waxaa sii adkeeynahaya aayaddan bal si tamnacun ah u eeg hoos:- {ونُفِخَ في الصورِ فَصَعِقَ مَن في السمواتِ ومن في الأرضِ إلا من شاء الله} [سورة الزمر/68] marka buunka la yeeriyo dhammaan inta kunool dhulka iyo samooyinka intaba waa argagax bey dhulka kula dhacayaan intii uu ilaah aan ladoonin mooyee. hadaba { مَن في السمواتِ } maloo qaadan karaa in ilaah samada joogo ?!!!!! kallaa thumma kallaa xaalku saa ma, ahan mana ahan caqiido sax ah in la ictiqaado in ilaah samada degan yahay ama joogo ..waayo in dhamaam eey dhulka naxdin kula dhacahayaan marka buunka yeero oo la afuufo baa la inoo sheegey.... intaa waxaa inoo sii dheer oo dharbaaxo ku ah qolyaha aaminsan in ilaah samada joogo ama degan yahay bal maxeey ku hadlaayaan marka loo aqriyo qowla eebbe weynaaye:- {يومَ نَطوي السماءَ كطيِّ السِّجِلِّ للكُتُبِ} [سورة الأنبياء/104]. Iilaah waxaa uu yiri isagoo inoo sheegahaya in aanu banaaneen in samada lagu sheego {xussa maalinta eeynu samada gabi ahaanteedaba anu laalaabi doono sida loolaabo warqadaha kutubka } micnhu waa in sidii darinttii aan u laablaabno samadana loo laabaayo oo meel la sika tiirinhayo gabi ahaanteedaba ...dabcan ogaada in ilaah markiisii horeba jirey iyaddoon samada iyo dhulkuba aanu jirin ..iyaga kadibna uu jiri doono ..su ahaana aan waxba iska badaleyn.
gabagabadii / waxaa xusuusin mudan in labada qowl ee xadiithkii kore ee kala ah {أَهْلُ السَّمَاءِ ، مَنْ فِي السَّمَاءِ}eey labaduba sax yihiin ula jeedaduna tahay malaa,ikta islamrkaasina (man) tu tahay jamaca ama wadar ee aanu aheyn mufrad ama hal ahaan ..wallaahu axkam waclam...ilaahoow sida saxda ah nawaafaji aamiin!
Waxaa soo diyaariyey:
Sheikh Osman s.Hersi
cismaaneey@live.com
www.nurudin.com